Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Xukuumadda Iyo Xisbiga Ucid uga Digay inay Wiiqaan Xidhiidhka Somaliland la Wadaagto Itoobiya Iyo Jabuuti DAAWO
Hargaysa 03. July 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed C.laahi Uur cade ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aanay sidii la rabay wax uga qaban Sicir bararka Xadhkaha goostay ee ka taagan Somaliland.
Waxaa kale oo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani uga Digay Xukuumadda Iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid in aanay xumayn Xidhiidhka ay Somaliland la wadaagto dalalka la deriska ah Sida Itoobiya iyo Jabuuti.