Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Nasiib daro ku Tilmaamay in Maxkamada Distooriga ahi ay ka Garnaqi weydo Khilaafka Distooriga ah ee Soo Kala dhex galay Golaha Wakiiladda iyo Dhacdooyin la Mid ah tii Golaha oo ay Tusaale u soo Qaateen DAAWO
Hargaysa 14. August 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag uga hadlay Qaraarkii ka soo baxay Maxkamadda Distooriga ah ee dalka ee Ku Saabsanaa Muranka ka taagan Golaha wakiiladda ee ka dhashay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Qaraarka Maxkamadda sare ee Somaliland ka qaadatay Dacwadii Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle u gudbiyey Maxkamada ay iska indho Tirtay Qodobada distooriga ah ee u banaynaya inay ka Garnaqdo Dacwadaas.