Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Oo Maxkamada La Tiigsanaya Tv-Ga Qaranka Iyo Radio Hargaysa & Dulucda Dacwad ay Gudbinayaan DAAWO
Hargaysa 04. September 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay in Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Idaacadda Radio Hargaysa oo Miisaaniyad ka badan 7 Wasaaradeed lagu Masruufo ay Ku Guul daraysteen Madaxda wasaaradda warfaafintu sidii ay Shacabka uga haqab tiri lahaayeen Barnaamijyo wadcigooda kor u qaadaya taas badalkeedana ay u xuubsiibteen inay noqdaan Meel laga aflagaadeeyo Xisbigooda Mucaaridka ah ee Waddani.
Afhayeenka Xisbi Mucaarideedka Waddani waxa uu Sheegay inay Dacwad ka dhan ah Idaacadda Radio Hargaysa iyo Telefishanka Qaranka ay u gudbinayaan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Maadaama la galay Xili Xasaasi ah oo doorasho Isagoo intaas ku daray inay dacwadooda ku lifaaqi doonaan Marag Muujin cadayn u ah Kiiskooda.
Waxaa kale oo Afhayeenka Xisbiga Waddani Sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay ka hawl galaan Shaqaale dhan 700 oo Qof isla Markaana Tiro badan oo ka mid ahi ay dibada ku qaataan Musharkooda.