Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Madaxweyne Muuse Biixi uga Digay Aqbalaada Heshiiska Saldhiga Mileteri kana Hadlay Ruqaansashadii Ciidanka Qaranka DAAWO
Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa maanta uga digay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu ogolaado Heshiiska Saldhiga Mileteri lagaga siinayo Imaaraadka Madaarka Magaaladda Berbera.
Xoghaye Uurcade waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ku amaanay qaraarka uu ka qaatay dhulka raasiga ee Marsada Magaaladda Berbera waxa uu dhanka kale ka hadlay Ruqaansashadii ay shalay sameeyeen Ciidanka qaranka ee deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool.