Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo Xukuumadda ka dalbaday inay Xoriyadooda dib ugu Celiso Siyaasiyiin Mucaaridka ka tirsan oo ay Xidhay Sidoo Kalena ka Hadlay Qaabkii Wasaaradda Waxbarashadu Ruqsada ugala Noqotay Jaamacado DAAWO
Hargaysa 13. April 2017 (SDN/QJ):- Laba Xubnood oo ka Mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane C.laahi Ibraahin Habane Ku eedeeyay inuu Sifo Khaldan ruqsada ugala Noqday Sadex Jaamacadood oo Ku kala yaala Magaalooyinka Hargaysa Iyo Burco Waxaa Kale oo ay Ka Hadleen Xadhig Xukuumadu ku fulisay Madax ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ee Waddani iyo Sicir bararka ka taagan waddanka.