Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo canbaareeyay xariga dad boolisku xireen xili la soo dhaweynayay Guddoomiyahooda
Hargeysa July 22,2014(SDN/QJ)- Xaibiga mucaaridka ah ee UCID ayaa si adag u canbaareeyay xarig loo geystay dad ka qeybgalayay soo dhaweynta Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,qoraalka UCID ee arinkan ayaa sidan u dhignaa:
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynayaa Xadhiga Dulmiga,Sharci_Darada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey Laba Nin oo Kala Ah Wariye Mustafe Axmed Herar (Jiciir) Kana Tirsan Shaqaalaha T.vga Madax_banaan Ee Space Chanel iyo Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr Oo Ka Tirsan Bahda Abwaanada,Macalimiinta iyo Qorayaasha Somaliland.
Labada Masuul Ayaa Lagu Xidhey Saldghiga Madaarka Caasimada Hargeysa Galinkii Danbe ee Shaley,isla Xaleyna Loo Dhaadhiciyey Laba Meelood oo kala Duwan Wariye Mustafe Axmed Herar Waxaa Loo Dhaadhiciyey Saldhiga Dhexe Halka Abwaan Siciid M. Gaheyrna Loo Dhaadhiciyey Xarunta Sirdoonka Gobolka Maroodi_Jeex.
Labada Nin Ayaa Ka Mid Ahaa Dadkii Soo Dhaweynayey Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md: C/rshiid Xasan Mataan Oo Galinkii Danbe Ee Shaley ka soo dagey Madaarka Caasimada Hargeysa (Egal International Airport ) Marki Aanu Weydiiney Taliyaha Saldhiga Madaarkana Waxaa Uu Noogu Jawaabey Waa La Sii Deynayaaye Iska Taga Marka La,Afuro Ka Dibe,Lamana Sii Deyn ilaa Imika.
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu u Arkaa Xidhigaa Labada Nin Mid Lagu Dilayo Sumcada,kala Danbeynta iyo iLaalinta Sharciga Waxaanu Marlabaad iyo Mar Sadexaadba Canbaareyneynaa Xadhiga Labada Muwaadin Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawadda U Xidhan Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna Uma Daawan Doono ku Tumashada Sharciga iyo Aasida Xuquuqda Muwaadiniinta Ee Xadhkaha Goosatey Afarti Sano Ee Ay Dalka Xukumayeen Xisbiga Kulmiye Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadoodii Loogu Soo Celiyo Isla Markaana Wasaaradu Raali Galin Ka Bixiso Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Ay U Geysteen Labada Muwaadin.
Isla Shaley Ayey Aheyd Markii Laba Masuul Oo Ka Mid Ahaa Waftigii Soo Dhaweynayey Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md: C/Rashiid Xasan Mataan,Uu Maamulka Wasaaradu Amar Ku Bixiyey In Aaney Labada Masuul Soo Galin Xayndaabka Madaarka Iyaga Oo ku Sababeeyey Wasaarada Ayey Maalin Dhaweyd Dhaliileen Taas Oo Uu Qirayo Taliyaha Madaarku Oo Uu Leeyahey Idinku Wasaarada ayaad Wax Ka Sheegteen Ee Iska Taga Oo Ha Soo Galina Madaarka.
Dhaqamada Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xukuumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah Allaa Mahad Leh
RAMDAAN KARIIM
XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID
YUUSUF KAYSE ALL/AHI