Xisbiga Mucaaridka ah ee ARD oo Tadjourah ku qabtay isu soo bax aan noociisa hore Jabuuti loogu arag(DAAWO SAWIRADA)
Tadjourah Mar 10,2012(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ARD ee Jamhuuriyada Jabuuti ayaa waxa uu isu soo bax ka fajiciyay taageereyaasha RPP ku qabtay magaalada Tadjourah.
Isu soo baxan oo qeyb ka ah dibedbaxyo taxane ah oo xisbigaasi ku baaqay in ay ku qabanaayaan guud ahaan dalka.
Madaxda Xisbiga ARD oo guddaha iyo dibeddaba ka kala yimi ayaa khudbado taariikhi ah ka jeediyay fagaadhe ku yaal bartamaha magaalada.
Madaxda xisbiga ayaa ku dheeraaday ka hadalka maamul xumada dalka jirta ee dib u dhaca u horseeday ummadda.
Madaxda ARD waxa ay ka soo bandhigeen qorsheyaashooda wax qabad ee dalka looga saari karo dib u dhaca siyaasadeed iyo ka dhaqaale ee xukuumada RPP dalka u horseeday.
Isu soo baxyada ARD ayaa sii sicon doona waxa la dhawraaba waxa ay xukuumadu ka yeesho maalmaha soo socda.