Xisbiga Kulmye oo ka soo jawaabay soo jeedintii Mucaaridka ee in la dhiso dawlad KMG ah
Hargeysa Aug 11,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaciil Cige(jaamac shabeel) ayaa daadifeeyay soo jeedimihii xisbiyada mucaaridka ee Wadani iyo UCID oo ay weheliyeen Madasha wada tashiga Somaliland oo ku wejehnaa dhisida dawlad KMG ah hadii ay qabsoomi waayaan doorashooyinka madaxweynaha iyo Gollaha Wakiilada.
“Horta dalku sharci ayuu leeyahay dawladnimaduna ma aha wax nin suuqa iska joogaa uu yidhaahdo anigaa dhisaya, xisbiyadda mucaaridka ahina wax ay sharci u haystaan oo ay dhisi karaanna ma jirto, markaa waa hadal la iska yidhi oo aan loo meel dayin warkoodu wax uu dalka siyaasadiisa ka bedeli karo ma ku soo kordhin karaana ma jiro, mar haddii aaanu sharci ahayn wax kasta oo lagu hadlaana waa waxba kama jiraan, mana garanayo anigu dawladda ay dhisayaan malaha Somaliland maaha ee meel kale ayay ka hadlayaan ilayn nidaamka dawladnimo ee Somaliland shuruuc uu ku dhisan yahay ayaa jirta oo loo maray’e.” ayuu yiri Jaamac Shabeel.
Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa sidoo kale ka jawaabay soodinta mucaaridka ee in wadahadal laga yeesho dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.
“Horta waxa laga wada tashan karo ee la isaga yimaadaa waa marka ay dhacdo wax waddanka ku cusub isla markaana aan hore sharci uga oolin oo la yidhaahdaa arrintaas ayaa soo korodhaye maxaynu ka yeelnaa, laakiin haddii waxa ka yimaada ta doorashadu ay tahay wax hore dalka uga soo dhacay isla markaana sharci ka yaallo oo leh sifo sharci oo loo maro waxa la marayaa oo kaliya sharcigu wuxuu qabo nin suuqa joogana sabab arrin sharci ka yaallo looga talo-geliyaa meeshaba ma taallo.” Ayuuy ir Jaamac Shabeel.
Guddoomiyaha Gollaha Dhexe eee Kulmiye ayaa u waramayay jariida ku hadasha afka Dawlada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
SDN/QJ-Hargeysa