|

Xisbiga Kulmiye wuxuu ku dhisan yahay dareen la kala xigsado oo qarsoon oo gacan wadaag ah ee kumuu iman kumana dhisna daryeel iyo dareen qaranimo

Xukuumada maanta jirtaa marna may bud-dhigin oo dhidibada umay taagin Xisbi iyo Xukun ka reeban dareen beelnimo iyo mid kooxaysan, Waxay xukuumadani daah-furtay dawladnimo la kala xigsado oo ku dhisan dareen beeleed aad uga sareysa dareenka dawladnimo taasina waxay abuurtay wer-wer iyo walaac badan oo saameeyey dhamaan mujtamaca reer Somaliland , Wadamada deriska, Deeqbixiya-yaasha iyo saaxibadii Somaliland ee Caalamka. Waxay xukuumadani ku fashilantay in ay midayso hadafka guud ee Siyaasadeed ee Golaheeda Fulinta, taas oo ah dhaqan xumo maamul oo dalkii, dadkii iyo duunyadiiba lagu baabiiyey 5-tii sanadood ee uu hogaanka dalka hayey Madaxweyne Siilaanyo.Is casilaada 14-ka Xubnood ee dhawaan iscasilay ee wasiirada ubadani waa dhabar jab iyo qaran jab qawmiyadeed in tiro intaa leeg oo golihii fulinta ka tirsanaa oo sir qaran xambaarsani ay mar qudha xilka wada dhigaan oo daaqada xayndaabka madaxtooyada ka wada baxaan. Waxay aheyd in ay sife karaamo leh u wareejiyaan xilalka qaranka ee aanay Makhaayadaha Suuqa sife fowdo ah xilalka uga naadin.

Ogoowoo qaar ka mid ah xubnahaa is casilay waxay ahaayeen Gafanayaal ku mamay dhiigii iyo dheecaankii ummadda, kuwaas oo jaantoodii iyo iligoodii kululaa laga raysan doono. Qaar kalena waxaa ku maqan oo ay dhiteysteen magantii, moodkii iyo mooradii shacabku lahaa waxaana ay wada dhaansadeen dhiilahoodii gorofta ahaa ee aan culayga iyo cidaadka laheyn.waxa ay xubnahaasi ku caanbaxeen kala shaqeysi, is kooxaysi, Ganacsi dadban, Dilaalnimo iyo sheerer kala iibsi. Mawqifka taban ee is casilaadoodaasi waa hurgumo iyo haaraan ku soo maqan  xukunka Siilaanyo. Waxay is casilaadoodaasi  dumisay milgihii, miisaankii iyo  maamuuskii dawaldnimo. Waxaana ay ummadda iyo caalamkaba daaha  uga fayday SAWIRKA  Xukuumadeed iyo hogaan xumada dalka ka jira maanta. Waxay markiiba shaa-shadaha la soo fadhiisteen hadalo iyo hawraar aan mariibneyn oo aan macne bandan laheyn- Kuye’ Madaxweynuhu dhex-dhexaad ma-aha ! Kuye’ rayiga madaxweynaha ayaanu diidnay! Kuye’ debeda ayaan xukuumada uga baxayaa oo ka qaylinaynaa! Dab liqa ayaa la idnka yidhi !!  ma ninka isaga oo gudaha ku jira marsiisan waayey tiisa ayaa ban ka qooqnimo ku tamarindoona !! la arki doonee….!!. Boowe !  bal ka warama hadii ay Magefeyaashaasi ay hogaanka dalka qabsadaan waa wax walba ka filo! Midna ma aha samo-talis ee waxaa u suntan oo ay u sahan tegayaan marwalba dano gaar ah, ganacsi  gaar ah iyo mabdayo, aaraa iyo aragti qarsoon oo u gaar ah.  Su’aasha qarniguse waxay tahay Ma tisqaadayaa oo ma tamarindoonaa oo ma taagnaanayaa Xisbiga kulmiye ee kala mabda’ahi, kala aragtida ahi oo isagu hada  kala lusha ?  Waa Xisbi ka aradan Dimuqraadiga oo Sabool ka ah sinaanta iyo cadaalada, talowadaaga iyo isturxaan bixinta? Waa xisbi ay isugu tageen kururushle iyo ban ka qooq qoodh is biday oo iyagu labac,laab la kac iyo luqun jibaadho kow iskaga siiyey.Bal ka warama kuwaas oo inoo hela awood dawladeed oo ay inoo adeegsadaan!! Bal ka warama kuwaas isku xukumi waayey buugyarihii xeerarka xisbigooda iyo xeer 14 kii  ma Dastuur bay inagu dhaqayaan oo inagu xukumayaan. waa maya!!   Xisbiga Kulmiye waa Haan gunl’a oo  waayey hogaamiye u gar naqa labadiisa garab ee cunaha ishaysta, Waa xisbi aan qof qof markiisii horeba loo soo gelin ee jifo jifo, beel beel iyo koox koox loo soo galay, taasina waxay keentay in aan golihiisa dhexe qof qof looga foodi karin ee beel beel iyo koox koox  loogu kaambeyn gareeyo oo looga foodo. Ma laha Hogaan gole fulineed oo waxaa laf dhuun gashay ku noqday intii dhuuxa kala baxday ee dheefsaneysay ee dalka  ku dhacday magaca Xisbiga iyo Xukuumadiisa Kulmiye.

Waa xisbi loo maamulo si shaqsi ah hada, Waa xisbi ay gurada u fadhiyaan duul doonaaya in ay maalin keliya madaxweyne ku noqdaan iyo  duul doonaaya in ay maalin keliya magac ku yeeshaan oo maalqabeen ku noqdaan oo awood dheeraad ah cidla ka qaataan.Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadiisu waxay ku caanbaxeen qof jeclaysi, ku daneysi, duunyo lunsi iyo ku dhaqan beelnimo taas oo lagu marin habaabinaayo qaranka Somaliland ee curdinka ah, Geedi socodka dimuqraadiga socod baradka ah, dastuurka, tartanka xalaasha ah iyo xeerarka xisbigooda u yaala. Xisbiga kulmiye han weyn ma laha ee waa hunguri lugo leh oo hantida ummadda ugaadhsada kuwaas oo dalkii iyo dadkiiba la ambaday oo marin habaabiyey. Miinada Labaad ee dhawaan ka qarxi doonta Shirka Golahooda dhexe ee xisbiga kulmiye waxay Saameyn taban ku yeelan doontaa Deganaanshaha iyo Xasiloonida dalka oo dhan iyo Geedi socodka Dimuqraadiga ah ee doorashooyinka soo socda. Sidaa daraadeed marna Xukuumadan uu maandheytkeedii iyo waqtigeedii uu dhamaaday ee Xisbigeedii kala hagi weyday ha ka sugina in ay wadanka ka qabato doorasho xor ah oo xalaal ah oo lagu badhaadho.

Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta  !!

Shacabow Tiraa Kaa gedmane Wax isu gey geyso!!

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii : A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

Comments are closed