|

“Xisbiga Kulmiye waxa uu u rajaynayaa in gudida qiimaynta derejooyinku ay waxii tabashooyin ah ee jira si degdeg ah u dhameeyaan” Gudoomiyaha X.Kulmiye

Hargaysa 12.Aug (SDN) Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta war saxaafadeed ay ka soo saareen xaruntooda guud ee Magaalada hargaysa waxay ku bogaadiyeen talaabada uu Madaxweynaha JSl ku dhaqan geliyey bixinta derejooyinka ciidamada.

War saxaafadeedka uu xisbigu soo saaray oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo ku hadlaya magaca golaha dhexe, gudida fulinta, xubnaha iyo taageeryaasha xisbiga kulmiye waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha JSL, Ciidamada Qaranka iyo gudidii loo xilsaaray qiimaynta darajooyinka.”

“Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa bixinta derejada ciidamada talaabo loo qaaday xagga horumarka, talaabadaas oo ah mid ka mid ah balanqaadadii xisbiga ee xiliga doorashada oo fulay”

“Xisbiga Kulmiye waxa uu u rajaynayaa in gudida qiimaynta derejooyinku ay waxii tabashooyin ah ee jira si degdeg ah u dhameeyaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed