|

Xisbiga Kulmiye oo soo dhawayn u sameeyay Garab ka Mid ah Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor

Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Munaasabad baladhan oo xisbiga Kulmiye ku soo dhoweynayey garab ka mid ah urur siyasadeedkii xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii Dawldaha hoose ee la qabtay dhamadkii sanadkii hore ayaa maanta lagu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargaysa.

cuqaashii-xaqsoor-2Munaasabadaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, salaadiin, xildhibano,cuqaal iyo marti sharaf aad u badnayd ayaa wasiirka wasaaradda cadaalada Engineer Xuseen Axmed Caydiid oo hadal ka jeediyey waxa uu soo dhoweeyey ku soo noqoshadsa ay garabkan xaqsoor ku soo noqdeen xisbigoodii hore ee Kulmiye, halka wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee JSL Sh Khaliil Cabdilahi Axmed uu isna cadeeyey in dhinacan maanta xisbiga ku soo biiray aan laga xigin xisbiga kulmiye oo ay hore uga tirsanan jireen.

Xoghayha guud ee xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay isaga iyo xisbigaba farxad weyn u tahay ku soo biiritanka dhinacan cusub ee xisbiga maanta ka mid noqday, isla markana waxa uu ku dhawaaqay inay cid kasta oo ka maqan ay sidan iyo si ka wanaagsan u soo dhoweynayaan.

Marwo farax Muuse Ibraahin Madaxii garabka haweenka ee urur siyasadeedkii Xaqsoor ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loo qaabilay iyadoo xustay inay xiligii aan la furin ururada siyaasadda ay ka tirsnaayeen xisbigan ay maanta dib ugu biireen ee Kulmiye.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed