Xisbiga Kulmiye oo Maanta u Dabaal Degay Khilaafkii Gudahooda ee Gudidii Turxaan Saarku Ku Soo Gunaanadeen 9 Qodob oo aan lagu Tartamayn
Hargaysa 24.Feb 2014 (SDN)- Xisbiga haya Talada Somaliland ee KULMIYE ,ayaa khilaaf u dhexeeyay maanta ku soo gunaanaday munaasibad weyn oo ay ky qabsadeen Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa,isla markaana bulshada Somaliland ka dalbaday inay mar labaad u cumaamadaan hoggaanka dalka marka ay gaadho xilliga doorashada.
Munaasibad la isku soo hor fadhiisiyey garab-yadii isku hayey Xisbi Xaakimka KUMIYE , oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo labada garab mid hoggaaminayay iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo dhan hor kacayay,xubno ka mid ah golaha Wasiiradda xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda ,ayaa maanta ku qabsoontay Xarunta Guud ee Xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa.
Ugu horrayn waxaa shirka aayado Qur,aan ah ku furay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland isa markaana soo jeediyaya hadalo waano u badnaa waxaana ka mid ahaa hadaladii Sheekh Khaliil.
“Waxaa maanta idin xasuusinayaa Xisbigan KULMIYE ee waxaas oo sharaf ah leh kolay haday rag meel iskugu yimadaan way kala duwanaan kartaa fikiradoodu lakiin hadan waxa kasta oo dhaca in lagu saxo wanaag uun ayaa loo baahan yahay.”
Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida turxaan bixinta ahna wasiirka arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in khilaafkii hadheeyey xisbiga kulmiye soo gaba gaboobay.
“Hortu Maanta ayaa aniga iigu horraysa inaan soo fadhiisto am aan imaado Xarunta Xisbiga KULMIYE sharaf wayn ayey ii tahay intaas ka dib khilaafkii yaraa ee soo kala dhexe galay Xisbiga KULMIYE maanta ayaa uu soo gaba-gaboobay waxaana uu noogu dhamaaday sida ugu wanaagsan oo guula ah.”
Guddoomiyaha Xibiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu maanta Xisbiga KULMIYE ka gudbay mar-xalad adag isla markaana u gudbay marxaladii horu marinta isaga oo isku badly kara hab dumuq raadiya madaxda xisbiga kulmiye.
“Maanta Xisbiga KULMIYE waxa uu ka gudbay marxalad 2aad oo ah inuu hawlihiisa xeerar u madax banaan yahay madaxdiisa isku badly karo hab dumuq-raadiya walalayaal waxa inoo balan ah in aynu dadkeen ugu adeegno wixii aynu ugu balan qaadnay barnaamijkeena iyo dustuur keena.”
Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.
“Xisbiga KULMIYE maaha imika dadka mala awaalka dadk ku habaabiya waxa uu horkeenay waxa uu u qaban doono iyo hawsha uu hada ku dhex jiro,sidaas darted Madaxda Xisbiga KULMIYE Xukuumada iyo dhamaan tageerayaashiisa waxa la gudboon dedaal badan oo aynu ugu hawl galno sidii aynu u qancin lahayn tageera yasheena.
Gabo-Gabadii waxa uu munaasibada la isku soo hor fadhiisiyey labadii garab ee isku hayey Xisbiga KULMIYE waxaana munaasidda soo gunaanaday Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland.
“Waxa maanta inoo farxad ah in aynu taladii dalka hayno oo aynu soo gunaa-nadnay khilaafkii soo kala dhexe galay xisbiga waxa ina looga baahan yahay in aynu dadka u noqon hogaan lagu daydo laguna xasuusto tariikhda somaliland,waxaanu shacabka reer somaliland gaaro ahaan tageerayaasha xisbigii kulmiye soo saaray usoo jeedinaynaa inaanu jirin wax nacaybsho ah oo aanu idinka tirsanaynaa ee waxaanu idin kaga mash quulay danta guud ee qaranka.
“Waxaanu Shacaboow idinka rabnaa sidii aad noogu soo saree tii Madaxtinimada ee aanu u helnay boqolkiiba Boqol ayaanu maantana idiinka baahanay waxaana idiin rajaynayaa guul inaad ku waartaan.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com