|

Xisbiga Kulmiye oo Maanta Ku soo Khatimay Ololihii Doorashadda Madaxtooyadda Isu Soo Baxyo Balaadhan oo ay Cuddudooda ku Muujinayaan ,Murashixiinta Madaxweyne & Ku Xigeen oo Taageerayaashooda la Damaashaaday!!

Hargaysa 09 November  2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ku soo bandhigay khatimaada 7 Cisho ee ay u lahaayeen ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee qabsoomi doonta 13-ka bisha November ee sannadkan.

Ololaha xisbiga Kulmiye uu Maanta soo Khatimay ayaa waxaa taageerayaasha dareenkooda la wadaagay hogaanka Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa isu-soo-baxyo indhaha soo jiitay oo ay ku muujiyeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay fagaarayaasha kala duwan ee loogu talogalay in shacabka lagala hadlo, waxaanna mahrajaannada ugu waawayn ee taageerayaasha KULMIYE ka dhaceen dhammaan magaalo caasimeedyada gobollada dalka iyo guud ahaan xarumaha degmo doorashooyinka kala duwan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi Jeex kala qaybgalay isu soo baxyo ay ku dhoola tusanayan kuna Muujinayaan Taageerada buuxda ee ay la garab joogaan.

Taageerayaasha oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga Kulmiye iyo Murashixiintiisa ayaa Socod Lug iyo gaadiid ah ku soo maray shaaricyada kala duwan ee Caasimada Hargaysa iyo Xarunta Gobolka Haw dee Balli Gubadle.

Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad dhinacyo badan leh u jeediyey Taageerayaasha xisbul xaakimka Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyey barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbigiisu ku doonayo inuu dalka ku hogaamiyo Waxaanu ka Codsaday Shacabka ku dhaqan Gobolka Maroodi Jeex oo ah Gobolka ugu Codka badan Somaliland inay maalinta doorashada ee 13-ka bishan November ay Codkooda u haneeyaan Xisbiga Kulmiye si ay u sii ambo qaadaan Horumarka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga Kulmiye ay halkaas uga sii Jaanqaadaan.

Dhanka Kale Waxa uu Xisbiga Kulmiye isu soo baxyo dhanka Samo falka ah oo qayb ah Ololaha doorashada ayaa Xisbigu ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ololaha doorashadda ayaa Maalinta beri oo Jimce ah soo Xidhmi doona Waxaana Soo khatimaya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda ayaa bilaabmay 21-kii bishii hore ee October soona afjarmayaa Maalinta Jimcaha ee beri ee Taariikhdu tahay 10-ka bisha November,Sida Xeerka doorashooyinku dhigayo waxa la nasan doonaa Maalmaha 11-ka iyo 12-ka Bisha November iyadoo Komiishanka doorashooyinku ay Gobolada iyo Degmooyinka dalka u direen hawl wadeenadii ka shaqayn lahaa goobaha codbixiyeyaasha Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 1642 goobood  oo ku yaalla 21 degmo doorasho oo dalka oo dhan ah.

Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta Waxaanu faahfaahintiisa idiinku soo Gudbin doonaa Wararkayaga soo Socda.

Comments are closed