|

Xisbiga Kulmiye oo Maalintiisii 6aad ee Ololaha Doorashadda Wacdaro ka Dhigay Gobolada Somaliland & Murashax Muuse Biixi oo Taageerayaashiisa Ceerigaabo la Dabaal Degay

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ku soo bandhigay ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee qabsoomi doonta 13-ka bisha November ee sannadkan.

Ololaha xisbiga Kulmiye oo galay wareegiisii 6aad Isla markaana ay hal Maalin oo Kale u hadhay ayaa waxaa taageerayaasha dareenkooda la wadaagay hogaanka Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa isu-soo-baxyo indhaha soo jiitay oo ay ku muujiyeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay fagaarayaasha kala duwan ee loogu talogalay in shacabka lagala hadlo, waxaanna mahrajaannada ugu waawayn ee taageerayaasha KULMIYE ka dhaceen dhammaan magaalo caasimeedyada gobollada dalka iyo guud ahaan xarumaha degmo doorashooyinka kala duwan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo kala qaybgalay isu soo bax ka dhacay Fagaaraha beerta Xoriyadda ee Ceerigaabo kaas oo jamaahiirta Kulmiye ay ku muujiyeen sida uu xisbigu taageero uga haysto Gobolkaas.

Taageerayaasha oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga Kulmiye iyo Murashixiintiisa ayaa Socod Lug iyo gaadiid ah ku soo maray shaaricyada kala duwan ee magaaladaasi,Waxayna aakhirkii isugu biyo shubteen Fagaaraha Khayriyadda ee Magaaladda Ceerigaabo.

Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad dhinacyo badan leh u jeediyey Taageerayaasha xisbul xaakimka Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyey barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbigiisu ku doonayo inuu dalka ku hogaamiyo Waxaanu ka Codsaday Shacabka ku dhaqan Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaaladda Ceerigaabo in Maalinta doorashadda ay Codkooda u haneeyaan Xisbiga Kulmiye si ay u sii ambo qaadaan Horumarka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga Kulmiye ay halkaas uga sii Jaanqaadaan.

Halku Dhega Xisbiga Kulmiye ku Ololaynayo ayaa ah Beri Maanta ka Fiican.

Dhanka Kale Waxa uu Xisbiga Kulmiye isu soo baxyo dhanka Samo falka ah oo qayb ah Ololaha doorashada ayaa Xisbigu ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ololaha doorashadda ayaa haatan gebo gebo maraya iyadoo Xisbiyadda Kulmiye iyo Ucid ay u hadhsan tahay min hal maalin oo Keliya halka Xisbiga Waddani ay u hadhsan tahay laba Cisho oo kale Waxaanu Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda oo bilaabmay 21-kii bishii hore ee October uu ku eeg yahay soona afjarmayaa Maalinta Jimcaha ee Taariikhdu tahay 10-ka bisha November,Sida Xeerka doorashooyinku dhigayo waxa la nasan doonaa Maalmaha 11-ka iyo 12-ka Bisha November iyadoo Komiishanka doorashooyinku ay Gobolada iyo Degmooyinka dalka gayn doonaan agabka Codbixinta iyo Hawl-wadeenada ka hawlgalaya.

Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta Waxaanu faahfaahintiisa idiinku soo Gudbin doonaa Wararkayaga soo Socda.

Comments are closed