|

Xisbiga Kulmiye Oo Lacag Badan Oo Danyar Badan Afursiin Lahayd Bishan Ramadaan Olole Ku Galay Iyo Xisbiga Waddani Oo Kaalmada Danyarta Ku Keliyaystay

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):-Masuuliyiinta Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa bishan barakaysan ee Ramadaan lacag badan oo danyar Afursiin lahayd ku khasiray olole siyaasadeed oo madhalays ah oo ku qabtay Hargeysa Iyo Boorama halka dhigooda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI bishan aad ula tacaalay afursiinta dadka danyarta ee ku filiqsan Deegaanka Somaliland Bari Illaa Galbeed.

Xisbiga Xaakimka Kulmiye ayaa bishan barakaysan ee Ramadaan aad ugu mashquulay xaflado olole Siyaasadeed oo uu taageerayaal ugu raadinayo Xisbiga kuwaasi oo ay ku qabanayeen Huteelada waa weyn ee Magaaladda Hargeysa Iyo Boorama iyagoo lacago badan oo Boqolaal kun oo dan yar ah afursiin lahayd ku kharash gareeyay Xafladahaasi siyaasiga ah oo lagu bixiyay Cashuurtii danyarta laga ururiyay,halka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu bishan la bilaabay qaybinta iyo Gaadhsiinta Dadka Danyarta ah ee aan waxba haysan,iyagoo u qaybiyay Raashino iyo Agab kale oo quutal daruuri ah, Min Bari illaa Galbeedka Somaliland.Waxa uu Xisbiga WADDANI shalay oo u dambaysay raashin iyo agab kale u qaybiyay Dadka danyarta ah ee ku dhaqan Deegaano ka tirsan Gobolka Sool ee Bariga Somaliland halka Xisbiga Kulmiye uu habeen hore Xaflada Afur ah oo lacag badani ku baxday uu taageerayaashiisa Qurbaha ka soo guryo noqday ugu qabtay Huteel Hargeysa kuyaala arintaasi oo muujisay sida ay Labadaasi xisbi ugu kala duwan yihiin u naxariisashada iyo u tawaabida dadka jilicdasan ee Reer Somaliland.

Shacabka reer Somaliland ayaa wakhtiga ku jira Xaalad Adag oo nololeed oo Xalafsan oo u baahan in la iska xaal ogaado,waxaanay Xukuumaddii iyo Xisbigeedii ku jiraan baadhiyo iyo Xaflado taageero loogu raadinayo Xisbiga Xaakimka Kulmiye. Xafladahan iyo baadhiyahan waxa qayb ka ah oo iska soo buuxdhaafiya Masuuliyiinta Xukuumadda,halka Xafladaha qaar ay qabteen masuuliyiin Xukuumadda ku jiraa kuwaasi oo ka dhacay Huteelada Hargeysa Ramadaanta dhexdeedii. Waxa xafladahaasi lacagaha ku baxay ay dabka u shidi lahaayeen Qoysas badan oo danyar ah oo ku dhaqan xitaa magaalada Hargeysa dhexdeeda. Waxa uu Xisbiga Kulmiye sidoo kale Bishan Ramadaan Xaflado olole ah ku qabtay Gobolada Dalka qaarkood oo ay ku sheegeen inay Taageerayaal ku soo biiray u qabteen,waxa ka mid ahaa Xafladahaasi ay gobolada Ku qabteen mid ka dhacday Gobolka Awdal oo ay sheegeen inay ku soo dhaweeyeen Macalimiin ku soo biiray Xisbiga taasi oo qabsoontay intii lagu gudo jiray Bishan barakaysan ee Ramadaan.

Comments are closed