Xisbiga Kulmiye oo Baafinaya Xubnihiisii Golaha Dhexe Isla markaana Mudo u qabtay Diyaarinta Kaadhadhka aqoonsiga
Hargaysa, 13 Oct 2015 (SDN/QJ)- Qoraal ka soo baxay xafiiska xog hayaha guud ee xisbiga kulmiye ayaa lagu sheegay in 17 bishan aynu ku jirno ee Octoobar la bilaabi doono diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga islamarkaana laga rabo xubnaha golaha ee xisbiga inay Keenaan Macluumaadka looga baahan yahay.
Qoraalka Wargalinta oo uu ku Saxeexan Yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo nuqul ka midi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee Shabakada Qurbejoog.com ayaa u dhignaa sidan.
Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh loogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.
Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.