Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda oo Si Wada Jir ah Xaaraan ugu Tilmaamay Shirkii Isbahaysiga Mucaaridku ku Baaqeen Iyo Asaraarka Taagan DAAWO
Hargaysa 22.July 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland iyo xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa jawaab ka bixiyey baaqii axsaabta mucaaradka eek u aadanaa qabasahada shirweyne.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay Weheliyaan Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda iyo Xubnaha Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye ayaa Xaaraan ku tilmaamay Shirka Qaran ee ay Shalay Iclaamiyeen Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka Iyo Madasha Wada Tashiga.
Warbixinta Shirka Jaraa’id ee ay wada qabteen Xubnaha Xukuumadda iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE ka tirsani, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo Wanaagsan: