|

XISBIGA KULMIYE: BEESHA CIISE MAXAY KA YEELI DOONTAA XUBNAHEEDA U SACAB TUMAYA SILANYO/SAYLICI?

Xisbiga KULMIYE, waxaa musharaxnimada madaxweynimada isku haya Madaxweyne Siiraanyo iyo Guddoomiye Xisbiga, Muusa Biixi. Labada ninna, Beesha Ciise uma sinna. Nin dakano iyo dhiig ayaa uu dorraad ka galay. Midna, hadal baa uu maalintaas ugu hiiliyey.

Doorashadii dorraad lagu dhacay Ciisaha Bari, Siiraanyo ayaa aabbo ka ahaa. Saylicina abbanduule ayaa uu uga ahaa. Qayladii Ciisaha iyo ergayntii dheg uma ay dhigin. Dhallinyartii Ciisaha Bari — iyaga oo si salmi xaqqooda u doonaya — waa tii saqda dhexe ay gummaaday xukuumadda madaxda ay ka yihiin Siiraanyo iyo Saylici.

Muusa Biixise, xukuumadda Siiraanyo kama tirsanayn. Waxana uu ahaa ninka kali ah ee madaxda Somaliland hadal ugu hiiliyey Beesha Ciise. Hadal hiilimaad lehe, maalintaas waxa uu u yidhi “Beesha Ciise xaqqooda hoos ha loo eego!”

Reer Boorama hadalkaas cadhadii ay ka qaadeen, waa kuwii mudaharaadka kala hor tagay waftigii Saylici watay ee xukuumaddu u soo dirtay Boorama doorashadii degaannada ka dib. Sababtuna, waxa ay ahayd ninkii XAQQA ku dhiirraday — oo Muusa Biixi ah — ayaa waftiga la socday. Markii laga raybayna, mudaharaadkii waa ay joojiyeen.

 

Ku siiyaa, la siistaaye: SIIRAANYO iyo BIIXI, keebaa Ciisaha hiil ka mudan?

 

Maanta labadaas ninni waxa ay ku jiraan tartan qadhaadh. Tab iyo xeeshood eh, waxa ay ku kala baxayaan CODKA xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE. Beesha Ciisana siddeed xubnood ayaa ay ku leedahay Golaha. Doofaar baa ficil la’aan lagu caddaabaaye, talo ayaa xubnaha Ciise u taala!

 

Maanta Beesha Ciise waa u gunnimo haddii ay dorraad illoobaan oo ay codkooda siiyaan Siirraanyo. Waa u naanays aan weligeed ka hadhayn haddii ay codkooda siiyaan raggii madaxda ka ahaa xukuumadda godobta ka gashay ee codkeennii doorashada duhur cad badheedh ku dhacday. Waa u gunnimo haddii ay xubnahooda Golahu u sacab tumaan Siiraanyo iyo Saylici.

 

Xubnaha Ciise ee Golaha Dhexe ee KULMIYE haddii ay ficil yeeshaan oo codkooda ugu abaalgudaan Muusa Biixi, waa u “gob iyo xaalkeed” dhammaan Beesha Ciise. Berritona, haddii Biixi ku guulaysto musharaxnimada Xisbiga ee madaxweynenimo, waxa ay u badan tahay in uu abaalka Beesha Ciise u soo celiyo. Waayo? Hore ayaa looga arkay!

 

Waxase la soo werinayaa in xubnaha Ciise ee ku jira Golaha Dhexe ee KULMIYE – oo ka mid yihiin xubnaha Ciisaha ugu jira Golaha Guurtida, wasiiraddii hore ciyaaraha iyo badhasaabadu – in ay ku dabo safteen Siiraanyo oo Saylici ay sacabka u tamayaan. Sababtana, waxaa loo badinayaa in ay ka tahay dhadhamo-doon iyo xilraadis. Haddii taasin rumowdona, Ciise waa u “illowshe dhAwaa Saboolku!”

Su’aashuse waxa weeye: Beesha Ciise raggaas maxay ka yeeli doontaa?

 

Comments are closed