Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka oo si dadban u wada olole midab takoor ku saleysan.
Washington Jan 22 2012(qurbejoog.com)-Ololaha doorashooyinka madaxweynenimo ee ay ku guddo jiraan xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga ayaa si dadban ugu saleysan midab kal socoo ay uga hortagayaan madaxweyne Barack Obama.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa caadiyaan midab takoor laga dhandhansadaa qorshayaashood olole balse sanadkan waxa u dheer iyada oo uu aqalka cad fadhiyo madaxweynihii u horeeyay ee midabkiisu madaw yahay.
Ololaha Jamhuuriga ee tartanka madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa waxa sal u ah u muujinta madaxweynaha Mareykanka in uu yahay ruux aan maraba la mid aheyn kuwii ka horeeyay iyo dib u soo celinta heybada kursigaasi.
Dadka Mareykanka Madaw ah iyo kuwa sinaanta taageera ayaa gebi ahaantoonba walaac ka muujiyay habdhaqanka xubnaha u tartamaya in ay xisbiga Jamhuuriyga ku metalaan tartanka Madaxtooyada ee lagu wado in uu dhaco sanadkan dabayaaqadiisa.
Qurbejoog-Washington
contact@somalidiasporanews.com