Xisbiga Hoggaamiya Dalka Ethiopia Oo Qiimayn Ku Sameeyey Waxqabadkiisa, Una Bogay Taladiisa
Addis Ababa:(SDN/QJ)-Xubnaha ugu sarreeya Xisbiga Talada Dalka Ethiopia hoggaamiya ee EPRDF ayaa qiimeyey waxqabdkooda 5-ii sano ee la soo dhaafay.
Qiimeynta oo lagu eegeyey waaxyaha kala duwan ee dawlada ayaa guud ahaan lagu tilmaamay in xisbiga waxtarkiisu wanaagsanaa, iyadoo qiimayntaasina ahayd mid xisbiga gudihiisa ku koobnayd.
Xisbiga ayaa u bogay koritaanka dhaqaalaha dalka iyo horumarka laga sameeyey dhinacyo badan iyada oo dhanka kalena la sheegay in la sii wado talaabooyinkaas.
Xisbiga ayaa sheegay in sanadaha soo socda kor loo qaado nidaamka warshadeynta dalka iyo waxyaabaha dibada loo dhoofiyo oo xisbiga qiray in uu gaabis ka jiro.
Mar la soo qaaday maamulka suuban iyo dawladnimo wanaaga ayuu golluhu EPRDF sheegay in ay wali jiraan cabashooyin ay dadweynuhu muujinayaan oo ku wajahan bixinta adeega guud iyo nidaamka garsoorka. Waxa uu xisbigu xusay in wax laga qabto cabshooyinka shacabka.
Xisbiga EPRDF oo talada dalka hayayey tan 1991-kii ayey kooxaha mucaaradka ahi ku sheegaan xisbi talada dalka oo dhan maroorsaday oo caqabad ku ah dimuqraadiyad dalka ka curata.
Xisbiga ayaa go’aamiyey in la joogteeyo qiimeyntiisa si wax looga barto qaladaadka ka dhasha shaqada iyo fulinta mashaariicda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com