|

Xisbiga EPRDF ee haya talada alka Itoobiya oo Hailemariam Desalegn u doortay hogaamiyahooda cusub

Adis Ababa Sept 15,2012(SDN)-Raiisul wasaarihii ku-meelgaarka ahaa ee dalka Itoobiya Hailamariam Desalegn ayaa noqday hogaamiyaha rasmiga ah ee dalka Itoobiya ka dib kolkii xisbiga EPRDF ee haya talada dalkaasi uu cod aqlibiyada ku doortay.

Hailamariam oo uu mudo xilka u soo carbinayay raiisul wasaare Meles Zanaawi ayaa waxa dhawaan uu codka kalsoonida weydiisan doonaa Baarlamaaka dalkaasi si uu ula wareego xilka Raaisul wasaarenimada.

“Xisbigayagu waxa uu isku waafaqay in kusimaha raiisul wasaaraha uu noqdo musharaxa xilkaasi mar walba sidaa darteed kusimaha raiisul wasaaraha iyo ku-xigeenkiisuba waa musharaxyaga”ayaa lagu yir war goor dhaweyto laga soo saaray shir laba maalmood uga socday Adis Ababa EPRDF.

Afhayeenka xukuumada Itoobiya Baraket Simon ayaa saxaafada u sheegay in doorashada Desalegn iyo Mckenon ay muujineyso in hogaan cusub oo aan ka qeybqaadan dagaaladii sokeeye uu dalku yeeshay.

 

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed