Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka (UCID) oo Xaflad mug iyo miisaan leh oo loogu dabaaldegay guushii uu marlabaad ku guuleystey xisbi qaran oo ka dhacday Millennium Hotel, badh tamaha magalaalada london DAAWO
London 13.May (SDN) Waxaa Sabtidii oo ay Taariikhdu aheyd 11/5/13 Ka Qabsoomey Badhtamaha Magaalada London Xaflad ilyartu is Qabatey oo ku qabsoomtey Hudheel 5*ah kuna yaala badh-tamaha London. Xafladaa oo Xisbiga UCID uu ugu Dabaal degaayey Guulihii uu ka soo-Hooyey Doorashadii Dawladaha Hoose ee Ka dhacdey Somaliland Dabayaaqadii Sanadkii Hore 28/11/12. Taas oo uu Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID uu ka mid noqdey Sadexda Xisbi-qaran ee Sharciga noqon doona 10 ka sanadoood ee Soo socda. Waxaa Xafladan ka soo Qeyb-galey Madaxda ugu Sareysa ee Xisbiga oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Feysal Ali Hussien, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Aqoon-yahan Jamaal Ali Hussien, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ahmed aden Ismail (Ahmed Keyse) Xoghayaha arimaha Gudaha Mingiste , iyo Gudoomiye yaasha Xisbiga ee UK, Norwey, Sweden iyo Holland
Waa muuqaal ee daawasho wacan
London SDN.
Qurbejoog.com