|

Xisbiga ARD: Cunaqabateyn toos ah oo saaran Obock iyo Tadjourah(DAAWO SAWIRO)

Obock Mar 12,2012(SDN)-Xisbiga mucaaridka ee ARD ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay ku soo arkeen magaalooyinka waaweyn ee dalaka oo ay dhawaan booqdeen.

Xisbiga ARD ayaa sheegay in magaalooyinka Obock iyo Tadjourah in la saaray cunaqabateyn toos ah oo siyaasadeysan.

ARD waxa ay ka warxixiyeen sida aaney xukuumadu wax mashaariic ah oo horumarineed aaney uga fulin magaalooyinka Obock iyo Tadjourah.

Warbixinta ARD ayaa lagu sheegay in xukuumada Jabuuti ee RPP ay xitaa siyaasadeyso ama iibiso dhamaan gargaarka caalemiga ah ee Jabuuti.

ARD ayaa sheegtay in Jbuuti u baahan tahay isbedel siyaasadeed oo dhab in uu dalka ka hirgalo.

SDN-Obock

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed