Xisbiga ANC ee Dalka Koonfur Africa oo Doortay Hogaamiyaha Cusub Iyo Haweenaydii u dhaxday Madaxweynaha Koonfur Africa oo afka Ciida Loo Daray
South Africa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga ANC ee dalka koonfur afrika ayaa hogaamiyaha xisbigaasu u doortay Ramaphosa oo ah madaxweyne ku xigeenka hadda.
Doorashadan guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa ahayd mid adag oo tartan xoogani dhexmaray haweeynaydii uu hore u qabay madaxweynaha koonfur afrika Zuuma iyo madaxweyne kuxigeenka dalkaasi.
Xisbiga ANC ayaa ku dhawaaqay inuu jagada guddoomiyaha xisbiga ku guulaystay madaxweyne ku xigeenka dalku, ka dib markii uu taageeray madaxweynaha dalka koonfur afrika.
Ramaphosa ayaa ku guulaystay cod dhan 2,446, halka xaaskii hore ee madaxweyne Zuuma oo la yidhaa Dlamini ay heshay 2,261 cod. Ramaphosa ayaa beddeli doona madaxweynaha hadda Zuum oo ah guddoomiyaha xisbiga ANC, sidoo kale wuxuu u tartami doonaa kursiga madaxweynaha doorashada soo socota ee dalka koonfur afrika ka dhici doonta sannadka 2019.
Madaxweynaha koonfur afrika waxa sannadihii dhawaa hadheeyey eedaymo musuqmaasuq oo meelo kala duwan kaga imanaysay. doorashadan lagu doortay guddoomiyaha xisbiga ANC waxa ka soo xaadiray in ka badan 4,700 oo xubnood oo codkooda ka dhiibayey doorashada.
Doorshadan oo ahayd mid adag ayaa bilaabmatay axadii Todobaadkan waxaanay socotay ilaa Galabnimadii Isniinta Maanta, taasi oo ka dhigaysay mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee soo marta xisbiga ANC.