|

“Xisbi hebel Xamar buu inagu wadaa, anigoo wax dili kara; duco qaadan maayo iyo hebel halkee buu joogey 1988 iwm.”!

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Waa hadallo iyo weedho sawliil leh oo haddana qaayisay oo dhacay, marxaladdanna aan la tallaabsan karin. Waxa ay ka soo yeedhayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta axsaabta siyaasadda xilli kaba sii horreeya wakhtigii ololaha doorasheed dhaqan-galka ahaa.

Labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddaniba, si ay u kala badsadaanba, waxa siyaasiyiintooda qaar ka soo yeedhaya ereyo iyo weedho aan loo meel dayayn oo wada muqlaysan oo aflagaaddo, caytan iyo yooyootankii suuqu astaan u yahay, ceebna ku ah dhaqanka dawladnimada iyo ilbaxnimada siyaasadda.

Marka nin siyaasi ah oo xisbi u ololaynayaa meel fagaare ah isla soo taago xisbiga ila tartamayaa waxa uu dadka iyo dalka ku wadaa “Xamar/Soomaaliya” miyaanu caayaynin cuquusha dadka uu la hadlayo ee uu codka ka doonayo?!

Dadka iyo dalka ma shakhsiyaad iyo koox ama xisbi gaar ah ayaa Somalilalandnimada u horseeday ama Xamar hadda ku celin kara?

1990aad miyaan arrintaas waaqicu fashilin oo aanay ahayn tii aynu adhaxda kaga jabnay ee labada daamood ee Burco kala irdhaysay, tii labada daamood ee Hargeysa kala fogaysay ee wiil iyo walaal, abti iyo seeddiba lagu waayey?

Ninka maanta taas boodhka ka tumayaa ma nin aan taariikhda waxba ka ogayn baa mise waa nin qarad iyo muraaddo kale u qarsoon yihiin oo xaajadiisu tahay raad-gadasho iyo dhuumasho dhabarku muuqdo?!

“Anigoo wax dili kara

Duco qaadan maayo!”

Waa hal-qabsi kale oo u dhigma ama la mid ah dawo dhacday ama tamaandho qaayistay oo xidhiidh toos ah la leh ladhka sare ee “Xamar-is-geynta”!

Muuse Biixi Cabdi oo ah murrashaxa Kulmiye uma qoollayn kelidii foolxumadii waagaas ee siyaasiga ahayd. Haddii dembigeeda cid qoorta loo sudhayo waxa u wada qoolan dhammaan intii talo-goynta wax ku lahayd labadii dhinac ee is maandhaafka damac ka dhex oogmay.

Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) AHN labadaba’e, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Jaamac Maxamed Qaalib, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Ismaaciil Hurre Buubaa……… iyo intii kale ee siyaasi iyo sarkaalba ka koobnayd ee labadaas docood la kala safnaydba Muuse Biixi way ku wehelinayaan mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay haddi dacwad la isku soo oogayo.

Teeda kale, wax kasta oo dhacayba waa la iskaga yimi oo waa laga heshiiyey saw ma ahayn? Oo haddaa maxaa weli ina daba dhigay? Wax kale ma aha ee waa bisayl la’aan u dhiganta ta hore ee Xamaraynta.

Cabdiraxmaan Cirro oo ah murrashaxa Waddani halkuu joogey 1988?

Waa arrin kale oo isna la soo celceliyo oo aan isna sii ridnayn!

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu joogey halkii ay joogeen labadii madaxweyne ee Somaliland iska dhaxlay ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN iyo Daahir Riyaale Kaahin.

Halgan kasta oo la galaa waxa midhaha ka dhasha wadaaga oo wada manaafacaadsada intii yarayd ee halgankaas hormuudka ka ahayd iyo intii badnayd ee dibedda ka taageeri jirtey ama ka horjeedi jirtey.

Distuurka Somaliland waxa uu inta Somaliland ku abtirsata xuquuq siman u siiyey in qof kastaa wax dooran karo, isna la dooran karo.Waa xuquuq ma dhaaf ah oo muwaaddinnimo.

Taas baa u saamaxday Cigaal iyo Riyaale oo 1988 aan SNM ka mid ahayn in ay madaxweyne u soo noqdaan Somaliland.

Inta soo celcelisa Cirro halkuu joogery 1988, waxa ku filan intan uun in ay ku dul hakadaan oo ka yar fekeraan oo waxa ay ku hadlayeen markaas dib u qiimeeyaan.

Midna aan ogaanno, SNM maanta ma aha isir siyaasadeed ee waa ma guurto taariikheed. oo milge iyo muunadayn mudan, aan se u qalmin in olole siyasaadedd foodsaaro looga dhigto.

Dhawrkaas kaadh ee xoqmay ee aan maanta olole siyaasadeed ku habboonayn in dhegahayaga looga tudho ayaa shacweyne codsanayaa.

kun iyo kaakac isir oo kale oo ololaha loo cuskan karo ayaa buuxa ee kuwan ku celcelintooda waa nuqsaan dad badan shaki ka gelin karta ciddii ay codkooda siin lahaayeen. Waayo haddii aragtida, garashada iyo fahamka siyaasadeed axsaabtu intaas ku ekaato ammaano xumo iyo xilkasnimo la’aan baan ka muuuqan doonta, taasina waa “karis xun iyana wax ku la'”.

Yulqanka aflagaaddo, yooyootanka iyo yeedhmooyinka naxli abuurka ah ee ereyga afka ku kooban ayaa iyana ku ah ceeb iyo baago madow siyaasiyiin badan iyo doc-ka-yeedhyo badan oo la kala safta marka ay isku jawaabayaan.

“Afxumo nabadna way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto”.

“Ereygu inta uu uurkaaga ku jiro ayuu ammaanadaa yahay, haddii se uu af soo dhaafo afaaf dhaafyey”.

“Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday”.

“Maalmihiina qaar baa dambeeya”, “Waana la doogi ee yaan la dacaroon!”

Aan ku doorrannee si doornimo u hadal,

Aan ku doorranee ereygaaga u meel day!

Siyaasi:

“Magacaagu yuu noqon

Mid xumaan ka marag kaca!”

Shacbi:

“Maskaxdaadu yay noqon

Maqal lagu la leeyahay

Yaan toban muftaaxiyo

Lagu furan masaabiir!”

Aflagaaddo kasta jacaylkeennaa ka weyn,

Xisbi kastana Samaliland baa ka weyn!

Xigasho: Maxamed Baashe X. Xassan.

Comments are closed