Xisbga Talada Jabuuti haya oo ku guuldareystay doorashooyinkii gooleyaasha degaanka iyo sharaxaad ay ka bixiyeen Mucaaridka
Jabuuti Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Isbaheysiga haya talada dalka Jabuuti ee UNP ayaa guuldaro ka soo wejahday doorashooyinkii golleyaasha degaanka ee dalkaasi dhawaanta ka dhacay.
Doorashooyinka oo ay qaadeceen dhamaan axsaabta dalkaasi ayaa waxa xukuumada kula tartamay urur cusub oo ay ku jiraan siyaasyiin madax banaan oo la baxay RADD.
RADD ayaa ku guleeystay kuraasidii u badneyd ee degaanada Bebela iyo Buulo Caws oo ah caasimada Jabuuti,taas oo ka dhigan in duqa magaalada Jabuuti ay kooxdani soo xuli doonto.
Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa sheegay in Siyaasiyiinta sheeganaya in ay madaxbanaan yihiin ee tartanka ka qeybgalay ay yihiin uun isla RPPda xukunka heysa.
Mucaaridku waxa ay sheegeen in riwaayadan caalmka loo dhigayo isla markaana ay reer Jabuuti ka dheregsan yihiin damaca xukuumada.
Ururkan RADD ee guusha baladhan ka soo hooyay doorashooyinka golleyaasha degaanka ayaa durba ku dhawaaqay in ay isu diiwaan gelin doonaan xisbi qaran.
Dadka qaar ayaa qaba in xukuumada khaasatan madaxweynaha Jabuuti damacsan yahay in uu burburiyo isbeheysiga talada haya ee UNP ayna sababtaa tahay guusha kooxdan madaxabanaan.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com