|

XIRSI XAAJI CALI, WAXAAN KULA TALINAYA INUU IS CASILO

Waxaan salamaaya dhamaan dadka Muslimiinta ah, waxaanan Alle ka baryaya inuu ina waafajiyo fadliga iyo kheyrka bisha barakeysan Ramadaan Amiin.

Sida uu qof kasta oo caqli lihi la socdo waxa uu dalka Somaliland maraya marxalad aad u adag hadey noqoto arimaha dibada iyo kuwa Gudahaba. Qofkii is weydiiya marxalada adagi wuxuu ka fikiri karaa in marka la eego arimaha dibada uu dalku ku jiro marxlad u baahan in si wada jira looga gudbo taas oo ay sabab u tahey aqoonisa dalku doonayo iyo isbedalka ku soo kordhey koonforta Somalia oo ay ka jirto dawlad caalumku u aqoonsan yahey inay tahey, dawlada keliya ee sharciga ee ka jirta dalkii la isku odhan jirey Somalia, taas oo durba ay socdaan wadahadlo bilowba u dhexeeya Somaliland iyo Soimalia, kana soo baxeen durtaba qodobo calaamatu suaal saari kara gooni isu taagii dalka!!!.

Xaga arimaha gudaha waxaa ka jira muran badan oo u dhexeeya xukuumada dalka ka jirta, iyo dad khusuusiya oo ah dad dhaliilo ba`an u soo jeedinaya xukuumada Madaxweyne Siliinyo, iyagoo ku dhaliilaya is dhex yaac iyo maamul xumo aan, musuqmaasuq, Qabyalaadi dalkii ku maydhey iyo golayaashii shacri dajenta ee dalka oo meesha ka baxey.

Hadaba marka ay xaaladu halka mareyso waxa keliya ee loo baahan yahey waxa weeye in dhan kasta laga muujiyo tanaasul iyo is maqal iyadoo qof kasta uu ka fikirayo danta dalka iyo dadka oo aan xiligan u baahneyn in la geliyo fawdo iyo isku dhac maxsuulkoodu noqdo in mar kale iyo mar afraad la jabo.

Arimaha caqliyan la odhan karo isu tanaasulka kow bay ka noqon karaan waxaan u arkaa iyadoo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali uu iskaga tago shaqada uu qaranka u hayo, maadama uu yahey nin in badan carabka lagu hayo ama loo arko inuu yahey ninka keliya ee dhamaan hawalaha qaranka awala aakhirana. Dabcana hadii aad si fog u baadho waxa jira dhaliilaha Xirsi loo tiiranayo waxaa kuu soo baxaya iney run yihiin markaad eegto sida uu arinkasta ugu sawiran yahey ama drive garenayo taas oo ka baxsan xilka uu u magacaaban yahey ee ah Wasiirka Madaxtooyada.!!!!!!.

Walee inaaaney doqonimo aheyn inaad faraha ka qaado Xil umadeed oo dadkii aad u haysey kugu dhaliilayaan ama u arkaan inaad si khalad ugu takri faleyso, waana wax caalamka xorta ah caadi ka ah in qofka uu ka tago shaqo Qaran oo dadkii loo hayey u arkaan inuu qofkaasi si khaldan u isticimaalayo.

Gebagabadii anigoo og iney ku adag tahey qof Africana oo maalmaamo dhamaan doona ku jira welibana qabweyni ku darsadey inuu si hawl yar u odhan karo waan is casiley hadana waxaan walaalkey Xirsi Xaaji Cali kula talin lahaa inuu iskaga tago shaqada uu Qaranka u hayo, maadama sib ba`an oo xadka dhaafdtey loogu saluugsan yahey.

Gebagebada Heestiyo

Gabeygayga uma wado¨

Guleed la talintii

Gabal dhacey ka hadalkii

Hada Galabta sheekada

Waxaan uga gol leeyahey

Samihiyo is Garabsiga

Beri yaan la gees marin. (Hadraawi, Gojano).

Alla Mahad leh

Qalinkii

Osman Omar Dool

Hargeisa Somaliland.

Comments are closed