“Horta Marka Hore Toorreydu Wax La Isku Caayo Maaha Aniguna Reer Burco Ayaan Ahayoo, Waa Layska Yaqaannaa” Su’aalo Xiiso Leh Iyo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda DAAWO
Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Markii u horaysay Waxa uu ka Hadlay Xidhiidhkuu la lahaa Koox Xiligii Maamulkii Daahir Rayaale Kaahin Gaadiid saaray Hub si ay ugu Jabhadeeyaan,
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Wakhtigaas iska Casilay Xubin-nimadii Komiishankii Doorashooyinka Qaranka ee Xiligaasi ayaa Madal Il yartu is qabatay kaga Jawaabay Su’aashan iyo Kuwo Kale.
“Horta Marka Hore Toorreydu Wax La Isku Caayo Maaha Aniguna Reer Burco Ayaan Ahayoo, Waa Layska Yaqaannaa”
“Xilligii xarbul-qanamka lagu jiray, waxaan uu taageerayay in waxoogaa la yara baqo geliyo dawladdii markaa korodhsanaysay, aniguna askari maan ahayn”
“Haddaad I weydiiso, miyaad taageeraysay xilligaa, haa ….haa…waan taageerayay oo ma ihi dadka mustaqbalka dafira taariikhda [history,] waxaan u taageerayay siyaasaddii markaas jirtay, waxaanan ahaa dadkii markaas ku raacsanaa ra’yiga ahaa in xukuumaddii markaas jirtay lagu jiq siiyo oo xooggaa cudud la tusiyo”
“Mujaahidnimadu Ma Ahayn CV. La Sheegto Oo La Yidhaahdo Anigu Mujaahid Baan Ahaa, Laakiin Waxaan Tallaabay 1987-Kii Run Ahaantiina Wax Qarsoonba Maaha Oo Dagaalkii U Dembeeyey Ee SNM Taangi Baa I Jiidhay Oo Aan Ka Noollahay…”