|

Xirfaddu..​. Waa kaaftoon bulsho ? Qorma xiisa leh

Aduun baahay iyo dhaqaale  abuur sii fidaya bulshooyin badanaya iyo dhul balaarsi aan xad lahayn  midow iyo danna-wadaagid aan la koobi karin  is dhex gal iyo kala faa`idaysi ayaa maanta aduunkeena ciwaan u noqtay dana la kala leeyahay iyo ujeedooyin aan dhammaan ayaa xiriir walba maanta lagu qotomiyey laakiin halkaan waxaan ku cadaynayaa  awoodo  iyo dhaqaale lagama jeestaan ah oo Soomaalidu dayacday waa (xifadaha yar yar) ee bulshadeena ku kaydsan waana kuwa bulshooyin badan u horseeda sharaf iyo qiima ay ku faanaan kuna hogaamiyaan qayba  aduunka ka mida,Nasiib daro inaguse waxaan ka dhignay kuwa aan muhiimad iyo wax tar midna inoo lahayn.

 

MAXAA KA MIDA XIFADAHAAS YAR YAR ?.

Samaynta weelasha wax lagu miiso,mindiyaha wax lagu jar jaro, kuwa godan iyo kuwa wax lagu tumo, seledaha, kuwa wax lagu qaato iyo kuwa lagu adeegto  qalabka guryaha iyo kuwa hidaha iyo dhaqanka , kuwa xarragada sidoo kale kuwa  sharaxaada (Guryaha & Xafiisyada) kuwa lagu jiifsado kuwa xaaqida iyo  nadiifinta, Miisaska, kuraasta  iyo sariiraha  hogorka dareeraha lagu shubo, qalabka wax lagu cuno iyo kuwa lagu cabo  hadaba iyadoo intaan oo dhan  gacanteena ku samayn karna Maxaan u dhuminaynaa waxaan haysano wexeynaan  lahayna helidiisa isugu xiijinaynaa ?, Maxaan awoodeheena iyo wax soo saarkeena u dhuminaynaa ?. lakin runta maanta waa inaan nahay bulsha dhan oo debada  ku tiirsan bulsha dhan oo waxa cid kale soo saartay cunta bulsha dhan oo shaqa la`aana, waxaan nahay bulsha dhan oo dhaqankoodii gacantooda ku dilaya  waxaan nahay bulsha dhan oo aan ku kalsoonayn waxa  wadankooda ka baxa iyo waxa gacantoodu  samayso.

 

QAABKEE XIRFADAHAAS LOO SOO NOOLAYN KARAA ?. 

 Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga dareemaa ineysan  ku qanacsanayn  iney noqon karaan “Bulsha wax soo saar” waxyaaba badan oo dhulkoodu hodon ku yahayna aysan muhiimad weyn siin lakin hadii aan dadaal dheer u galno saan dadkeena iyo fahanka dhalinteena uga dhigi lahayn mid  ku qotoma wadaniyada iyo  wax-qabsi  dareensiinona mabda`a ah “Bilowga dhabar adayga ku qotoma dhamaystir fiican ayuu leeyahay” waxaan si sahlan u xalin karnaa dhibaatadeena kuwanina waa  qodobada noolaynta  xirfadaha yar yar.

  1. Kobcinta  iyo kor u qaadida  -Goobaha  xirfadeed- ee  hada jira .
  2. Ku Dhiiri gelin bulshada  Muhiimadda xirfaddaa yar yar.
  3. In fahanka Bulshadu ka haysato xirfaddaa yar yar la balaariyo.
  4. In gacan qabad dowladeed mida ururada bulshada iyo  mida hay`ada loo fidiyo dadka  xirfadahaan aqoonta fiican u leh.
  5. In Bulshadu ku kalsoonaato waxa  gacantoodu  samaysay.
  6. In war-baahintu (Radio,TV) diirada saaraan xirfaddaa yar yar.
  7. In dadka xirfadahaan danaynayaa “Tababara  Gaagaaban” helaan.
  8. In waxa xirfadahaasi soo saaraan suuq gayn fiican loo samayno.
  9. Inaan isku dayno saan xirfadahaas ganacsi baahsan uga abuuri lahayn dhaqaale iyo shaqona uga  samayn lahayn.

     

NATIIJADA IYO MIRAHA  NOOLAYNTA  XIRFADAHAAN YAR YAR.

Inkastoo ay badanyihiin faa`idada xirfada yar yar iyo muhiimada ay kaaftoonka bulshada u leeyihiin hadana halkaan waxaan kusoo koobayaa natiijada iyo faa`idada ka dhalan karta hir gelintooda  waana kuwaan:

  1. Inaan ka kaaftoono waxyaaba badan oo aan bannaanka ka keensano.
  2. In dhaqaale iyo hanti badan oo bannaanka inaka aadi jirtey inoo baaqato.
  3. Inaan waxaan samayno adeegsano waxaan beerana cuno.
  4. In kalsoonida iyo kaaftoonka dadkeenu iyo midka dalkeenuba  siyaado.
  5. In dad badani shaqo ka helaan nasiib dakhlina ay yeeshaan.
  6. Inaan  dhalinta iyo dhalaanka soo socda  aragti wax qabsi ku abuurno .
  7. In  suuq gayntooda dhaqaale fiican inooka imaan karo.
  8. Inuu soo noolaado qayba badan oo hidihii iyo dhaqankii ka mid ah.
  9. Inaan yeelano wax soo saar aan aduun weynaha ugu faano.
  10. Inaan gaarno isku filaansho waxyaabaha  aadka duruuriga u ah.

     

Hadaba iyadoo tani inoo ka baahantahay dadaal dheeri ah qoraalkaana ku fahanay siyaabaha loo noolayn karo iyo faa`idada inooka imaan kartaba waxaan dareemayaa in ay tahay masuuliyad ina wada saran saan wadankeena wax soo saarkiisa u kobcin lahayn dadka dhaqaale abuurka iyo dhaqan noolaynta  doonaya halkaan ka anba qaadi karaan waxan dareensanahay in maanta bulshooyinku ku tiirsan yihiin (Mashaariicda yar yar) ee dad kooban iyo iyo shikrado hir geliyaaan. Mashaariicda  xirfadahaan laga abuuri karona waxaa kamid ah kuwaan.

  • Mashruuca Kabaha dhaqanka,Suumanka iyo ulaha xaragada.
  • Mashruuca qalabka sharaxaada guryaha iyo xafiisayada.
  • Mashruuca qalabka guriga lagama maarmaanka u ah sida kuwa Xaaqida iyo Nadiifinta kuwa wax lagu cabo iyo kuwa cunoba .

     

Wadan walba wax soo saar ayuu  inooku faanay wadan walba aqoon ayuu inkoo ku faanay wadan walbana midnimo iyo nabad ayuu inooku faanay inagu soomali maxaan ku faanaynaa hareerahaaga ka fiiri waxaad samaysatay ama soo saartay ka xanuunso  wax dad kale inaad isticmaasho iyadoo la ogyahay aduunku inuusan kala maarmin hadana samayso waxaad maanta ku faanto berina lagaaga damayyo waxaan hubaa in kheyraadka wadankeenu inaku filan yahay waxa ciideena kasoo baxaana ina wada deeqaan lakin aan ahaano umad dalkooda iyo ciidooda jecel waxna qabsada hal abuur iyo wax soo saarna leh.

 

 

Cabdicasiis shire ismail (Bandiirad)

Bandiirad16@hotmail.com

Facebook:  Abdi aziz  Bandiirad

Twitter: Bandiirad Goonyacade

Qoraa , Arimaha bulshada ka faalooda.

Comments are closed