“Xilligu Waa Goor Wax Saar, Golaa Lagu Dheelayaa Garsoore Ka Yahay Shacbigu..” Maansada Gurmad Iyo Dardaarankii AHN Abwaan Gaarriye DAAWO
Hargaysa, 15 July, 2016-(SDN/QJ):– Waxaanu Halkan Idiinku soo gudbinaynaa Maansada GURMAD ee AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
Maansada Gurmad oo ka Mid ah Dhaxal Suugaaneedka uu inooga Tegay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa Markaad Daawato amase Akhrido Qaybta aanu ka qornay Waxay Kuu Muujinaysaa in Waxyaabaha uu Abwaanku alle ha u Naxariistee ka hadlay ay Haatan taagan Yihiin.
Gun baa Haan Laga unkaa
Duq baa geel loo tubaa
Gaw baan ka aqaan durbaan
Waxaan Geed lala kacaa
Gankaad tahay erey la da’ ah
Gefkana bashar baad u tahee
Hadaad garowdo khalad
Gob bay caadadeed tahay
Waxaan godobtiisu hadhin
Gar aad leedahoo uu ogyahay
Nin kaaga masuugay gole
Waxaa gabay lagu saxdaa
Candhuuftu gashaa dalqada
Markuu milil guud ka dhayo
Golxoo dhami maaha dane
Mar bay ged kaleeto tahay
Dibnahoo ku gariira iyo
Gangada waxaa keenta been
Waxay tixdu ka gaabsataa
Damiirku markuu Gam’aa
Hadduu hal ku seegay geed
Waxaad gocataa hurdada
Intaa guntayoo dhigeee
Hadduu geeraar wax taro
Maxaan gelin dhexe onkoday
Maxaan goohay oon talamay
Adoo gabalkaagu dumay
maxaan gudcur bajiyoo
u daaray cadceed gayiga
maxaan galab oogay shamac
Waxaan guuraha meershiyo
waxaan subax loogay gool
hadday gees kaa mareen
maxaad farta iigu godi
dhegtaadaa soorgad lehe
miyaan gir-girif yaraa
Maxaad Godladaa Araar
Shabeelkaa gurboodku dhalay
ku idhi waxaa gooyay aar
sowkii Alle gowrac yidhi
mayee waxa laysay garo
Haddaan gu’ga kuu kordhaa
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Ileyn wax ma dhaantid Geed
Ku soo noqo goobta iyo
Garoonka ciyaartu taal
Xilligu waa goor wax saar
Golaa lagu dheelayaa
Garsoore ka yahay shacbigu
Waxaa guul sheegan kara
Qof ay u gartaan iyagu
Haddaad tahay guur u meer
Garaabo adoon qub-qubin
Adoon umadda isku gubin
Dadweynahoo soo Gam yidhi
Waxaad ka gadeyso mari
Abaalkana waan gudnaa
Waxaad noo gashee horiyo
Gadaal waxaad maagan tahay
Adoon gelin ceeb Nin kele
Bal noo sheeg waa golee
Waxay dadku kaa gutaan
Kol ay tahay gaafanow
Haddaad gallad waydo kale
S-tii gudahaan ahoo
Ri’ baan beri gees ka riday
Intaa guntayoo dhigee
Nimaad kala gees tihiin
Inuu libintiisa gado
Ninkii yidhi guul ka dhigo
Alaylehe wuu lug go’ay
Ninkii yidhi gaal diloo
Gartiisana sii ma maqal
Xaqsoor nin ku gaadhi kara
Rag uu ka dhexeeyo Geel
Hadduu kala geeyo damac
Waxa isu geysa dane
Allow garansii nin moog.
Galool mudhay oo farcamay
dhudaha goonyaha u fiday
Hadday kala gaar yihiin
Guntay ka midaysan yihiin
Haddaad gorod diidan tahay
Ku koob dirirtaada gorod
Ha nicin gobolkuu ka yimid
Ha Giijin Xadhkaha ha jarin.
Ha goynin Waxa la isku yahay.
Magliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdee
Ha gaadhin laftaan ku idhi
Afkaagana godob ka dhowr.
Mar baa jirta Gumuc la riday
Gelaafto Ninkii Ridee
Nin iinloow Daa’ Gujada…