|

“Xilka oo la iga Qaado Ayaan ka Jecalahay Dhamacdii aan ku Taagnaa inaan Dugsado,Madaxweyne Waxaa Jira Maayar kaa Awood badan, Wasiirka Arrimaha Gudahana Waxaan Leeyahay…” Xoghayihii Dawlada Hoose ee Hargaysa ee Xilka laga Qaaday Iyo Dooda Gar Sheegad-kiisa DAAWO

Hargaysa 05. February 2018 (SDN/QJ):-Xoghayihii hore ee dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaale ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugu wareejiyey xoghayaha cusub Axmed Aadan Yoonis (Juxa) ee xafiiska ka beddelaya oo uu soo magacaabay wasiirka daakhiligu.

Xoghayihii hore  Cali Xasan Cawaale ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladii xil wareejinta waxa uu soo bandhigay fadeexado musuqmaasuq oo uu xusay inay ka dhaceen dawladda hoose ee Hargeysa.

“Waxa jira caqabado badan oo ku xeeran dawladda Hoose, dawladda hoose waxay leedahay Xoghayaha fulinta dawladda hoose, waxase jira oo aan walaalkay Axmed u sheegayaa inay leedahay xoghayeyaal kale oo leh saxeex oo qaarkoodna aanay ka tirsanayn shaqaalaha dawladdaba,”ayuu yidhi xoghayihii hore.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay raggaas kale ay saxeexaan lacagaha ugu badan ee aanu saxeexin xoghayuhu. “Ragga aan ka tirsanayn shaqaalaha dawladda hoose waxay saxeexaan lacag bishii gaadhaysa 350 kun oo doolar. Waxa kaloo jira rag aan xoghayeyaal ahayn oo shaambada xoghayaha isticmaala shambadana ku dhufta.”

“Wasaaradda arrimaha gudaha waxaan leeyahay xilka oo la iga qaado ayaan ka jecalahay dhamacdii aan ku taagnaa inaan dugsado. Waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha gudaha  dawladdani waxay ku ololeysay in sharcigu sareeyo oo musuqmaasuqa lala dagaalamo. Waar haddii aan musuqmaasuq idiin sheegay oo aan idaacadda ka hadlay markii aydun idinku waxba igala qaban waydeen ee aan idiin soo gudbiyey ee aad ii dhaqaaqi waydeen. Dee dayrkii Maka ma aan gubune ummadda ayaan wax u iftiimiyey oo aan idhi ‘Musuqan wax ka qabta xaqna waa la diinku lahaa,”ayuu yidhi Cali Xasan.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Taasi may ahayn inay xilka qaadistayda keento, waxaan u arkaa inay sharaf dhac ku tahay hadafkii xukuumaddu ku ololaynaysay inaad idinku ka hortimaadaan idinkoo xukuumaddii ah.”

Comments are closed