|

Xiliga ay Dhacayso Doorashadda Madaxweyne ee Kenya oo La Shaaciyey + Madaxweyne Uhuru Kenyatta & Murashax Raila Odinga oo Ku Keliyeystay Iyo Muran hor leh oo Bilaabmay!!

Nairobi 05. September 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashooyinka Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in mar kale lagu celiyo doorashada.

War ka soo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaama labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

 

Maxkamada sare ee dalka Kenaya ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay baabi’isay Doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

 

Go’aanka maxkamada ayaa waxaa ku gacan-seydhay Uhuru Kenyatta oo laakiin sheegay in uu ixtiraamayo maxkamada isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay doorashada ku celiska ah.

 

Raila Odinga ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamada ku tilmaamay mid taariikhi ah oo aan laga fileyn in ay gaarto maxkamad Africaan ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, islamarkaasina aysan ahayn mid xalaal ahayd.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,

Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.

Arrin si weyn loogu muransanyahay ayaa ah cidda doorashada qabanqaabinaysa, NASA waxa ay qabtaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas’uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.

Comments are closed