Xili uu Wakhtigu Ku Adag Yahay Qatar Waxa uu Maraykanku Ka Iibinayaa Hub la Yaab Leh oo ay Ku Jiraan Diyaarado Dagaal oo Casri ah
Washington 16. June 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Maraykanka ayaa hub lagu qiyaasay qiimihiisa 112 bilyan oo dollar ka iibinaya dowladaha iska horjeeda ee Sacuudiga iyo Qadar.
Qadar ayaa heshiis uu ku baxayo kharash gaaraya 12 bilyan oo dollar la saxiixatay dowladda Mareykanka.
Lacagtaasi ayaa dowladda Qadar waxa ay Mareykanka uga soo iibsaneysaa diyaaradaha dagaalka ee F-15.
Heshiiskaasi ayaa lagu gaaray kulan magaalada Washington ku dhex maray wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis iyo dhiggiisa Qadar, waxa uuna ku soo beegmayaa maalmo ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu dalka Qadar oo ay xulufo yihiin uu ku eedeeyay inuu maalgeliyo argagixisada.
Waddamada kale ee Khaliijka ayaa dhawaan xiriirka u jaray dalka Qadar, waxa ayna ku eedeeyeen in ay xasilooni darro ka abuureyso gobolka, maadaama sida ay sheegeen ay taageerto kooxaha xagjirka ah isla markaana ay xiriir la leedahay dalka Iiraan hase ahaatee Dowladda Qadar ayaa beenisay dhammaan eedeymahaasi.
Hadalka madaxweyne Trump ayaa u muuqda mid liddi ku ah waaxda gaashaandhigga dalkiisa oo maalmo ka hor dowladda Qadar ku ammaantay in ay ka go’antahay xasilloonida gobolka.
Mas’uul u dhashay dalka Qadar ayaa sheegay in heshiiska dalkiisa uu Mareykanka uga soo iibsanayo diyaaradaha dagaalka ay caddeyn u tahay in laamaha dowladda ee Mareykanka ay iyaga la dhinac jiraan.
Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Qadar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xukuumadda Dooxa ay durbaba iibsatay 36 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.
Heshiiskan ayaa ku soo beegmayo usbuucyo kaddib amrkii dowladda Mareykanka ay heshiis kale la saxiixatay dalka Sucuudiga, kaasoo Sucuudiga u ogolaanaya in uu Mareykanka ka iibsado hub uu ku kacayo kharash gaaraya 100 bilyan oo doolar.
Arintan ayaa sii xoojisay shaki markii horreba ay qabeen dad badan oo aaminsanaa in Maraykanku uu isku dirayo dalalka Carabta si uu suuq ugu helo hubka fara badan ee ay soo saaraan warshadihiisa.