|

Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo Dhaliilo Xooggan Ku Hurgufay Xisbiga KULMIYE DAAWO

Hargaysa 29. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland,sidoo kalena sheegey in uu ku biirey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,oo maanta qaybo ka mid ah warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magalaada Hargeysa ayaa eedo culus waxaa uu u jeediyey gudida doorashooyinka Somaliland.

Geesta kale waxaa uu Xildhibaan Maxamed Faarax QabiileĀ ku dhaliilay koomishanka doorashooyinka Somalialnd in iyada oo aan la gaadhin wakhtigii olalaha uu xisbiga KULMIYE uu si rasmiya u bilaabey olale xidhiidh ah xilli ay abaaro ba’ani ay ka jiraan gobolada bariga Somaliland,Xildhibaan Qabille ayaa waxaa uu yidhi”Xisbiga Kulmiye olale ayuu meel kasta la taagan yahay , walina wuu wadaa , waxaanan halkan canaan uga soo jeedinayaa kominshanka doorashoyinka laftiisa”

Xildhibaan Qabille ayaa sii raaciyey.”Waxaa ka muuqata xisbiga KULMIYE ololihiisa ay ugu horreysey kicin aan horseedeyn wanaag”

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Faraax Qabiile waxaa uu sheegay in garabkii aqlabiyada Musharax Jamaal ay si rasmi ah ugu biireen xisbiga Waddani oo mudooyinkii ugu danbeeyey wada hadal u socdey.isaga oo arrimahaas sharraxayana waxaa uu yidhi”Anagu kuraas umaanu iman xisbiga Waddani gurmad baanu u nahay umada Qarankan Somaliland meeshaanu ka beddeli lahayn arrintaa ee aanu ka dhex ciyaari lahayn ee ay qaddiyaddu ka dusi lahayd ee ta Somaliland-na aanu ku dhameystiri lahayn waxaanu u aragney in uu maslaxad u yahay xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi xildhibaanku

Comments are closed