|

Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Qeybo Ka Mid ah Jaaliyadda Ka Soo Jeeda Goballada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Hawd iyo Hargeysa

London 29. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa jaaliyadda qurb-joogta ah ee goballada Maroodi-jeex, Saaxil, Hawd, Togdheer iyo Hargeysa ba kula qaatay galbeedka magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin tira badan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, madaxda laamaha iyo taageerayaal aad u tira badan, ayaa ujeedka dulucdiisu daarnayd siddii la iskaga xaal waraysan xaalka guud ee Somaliland iyo weli ba sida oo kale Xisbiga WADDANI.
Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo halkaas khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaynaysa ka jeediyey, ayaa uga xog-waramay xaaladda guud ee dalka, abaaraha, Doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale xaaladda amaan ee dalka oo aad u sii xumaanaysa muddooyinkii dambe, waxa kale oo Cabdiqaadir Jirde uu jaaliyaddaas kala hadlay dar-der-gelinta hawlaha Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale siddii la iskugu duubnaan lahaa si loo wada gaadho guusha looga na midho dhalin ahdaafta guud ee Xisbiga WADDANI iyo wax-qabadyada uu doonaayo in uu qaranka iyo shacabkiisa ba u qabto..

Comments are closed