Xildhiban Nacnac Oo Ku Baaqay In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Loo Soo Xareyo Dhaqaalihii Wadada Bali-Gubadle Ee Lagu Yaboohay Shirkii Af-Garad 3
Hargeysa 5/8/2014(SDN/QJ):-gudoomiyaha guud ee guddida dhismaha waddada isku xidhaysa gobolada Hawd iyo Maroodi Jeex Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac ayaa ka hadlay dhismaha waddada isku xidhaysa gobolada Hawd iyo Maroodi Jeex.
Xildhibaan Nac Nac oo ka hadlayey shir jaraa,id oo guddidaasi ku qabatay magaalada Hargeysa waxa uu ugu baaqay cid kasta oo shirkii Afgarad 3 iyo salaadii ciidal fidriga ee lagu tukaday garoonka Hargeysa Stadium ku yaboohday lacag,xoolo ama dhul inay si deg deg ah u soo xareeyaan.
Ugu horayna xildhibaan Nac Nac oo fariin u diraya dadka aan wali soo xarayn wixii ay kaga qayb galeen dhismaha jidkaasi ayaa waxa uu yidhi “waxaynu u baahanahay inaynu bixino lacagtii aynu ku dhawaaqnay tii lagaga dhawaaqay shirkii balli-gubadle
Sidoo kale xildhibaan Nac Nac waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland laga heli doono lacagtii uu ugu deeqay jidkaasi maalintii ciida waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay dadkii is qoray iyo kuwii kalaba walaalayaal lacagtii waa laynooga fadhiyaa madal ayaanad kaga dhawaaqdeen, waxaanu doonaynaa inaad lacagtii u soo shubtaan wadddada, madaxweynahana waynu ka helaynaa lacagta uu ku dhawaaqay aadna wuu u mahadsan yahay, madaxweynuhuna meeshii uu dhagax dhigayba wuu furayaa ilaahayna ha la qabto.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac.
Xildhibaan Nac Nac waxa uu sheegay inay xukuumada ka go,an tahay sidii ay wadanka u dhisi lahayd, waxaanu tilmaamay in meel kasta oo madaxweynuhu dhagax dhigay uu dhisi doono isla markaana uu furi doono.
Hargeisa SDN/QJ