Xildhiban Ka Tirsan Dawlada Mexico Oo Dusha Ka Koray Gidaarka Lagu Xidhay Xuduuda Maraykanka Iyo Mexico Kuna Muujiyay Diidmado Uu Ka Qabo Go’aanka Madaxwayne Trump !
Mexico 08. March 2017 (SDN/QJ):-Mid ka mid ah xildhibaanada Dalka Mexico ayaa waxa uu dusha ka fuulay Gidaarka lagu kala xidhay Xudduuda labada Dal ee Mexico iyo Maraykanka, waxaanu muujiyay sida uu uga soo hor jeedo go’aanka Madaxweynaha Maraykanku soo saaray markii uu tallada Dalkaasi qabsaday ee ahayd in gidaar lagu xidho Xudduuda u dhaxaysa labadaasi Dal si looga joojiyo Dadka u dhashay Dalka Mexico ee sida sharci darrada ah ku soo gala Maraykanka.
Braulio Gera oo ka mid ah xildhibaanada Gobolka Queretaro ee ku yaalla waqooyiga Caasimada Dalkaasi ee Mexic City una jirta 218Km ayaa waxa uu yidhi “Si aad u dhib yar ayaan dusha uga fuulay Gidaarka laga wado xudduuda”.
Wax kale oo Gera uu ku yidhi qoraal uu ku soo bandhigay barta uu ku leeyahay Twitter “Anigu hadda waxaan dusha ka saaranahay Gidaarka xudduuda laga dhisay ee kala xidhaya Mexico iyo Maraykanka, waxa aad u fudud in inta la fanto ilaa iyo toban Miter si dhib yar loogu gudbo Maraykanka, arrintaasina waxay caddaynaysaa in wax baahi ah oo loo qabo dhisida Gidaarkani aanay jirin haba yaaraate, balse waxa aad u layaab badan dhismahaasi kharashka ku baxaya oo dhan 15 Millyaar oo Dollar”.