|

Xildhibaano ugu baaqay Xasan Sheekh in uu iscasilo

Muqdisho July 21, 2024(QJ)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, oo ay ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hogaaminta dalka.

Xildhibaan Yuusuf Gamadiid ayaa ugu baaqay inuu xilka iska casilo oo uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka baxo.

Xildhibaan Yuusuf Gamadiid waxa kale oo uu sheegay in la burburiyay nidaamkii dawladnimo ee la dhisay oo ka koobnaa saddex hay’adood oo dawladeed, iyadoo wax walba hadda la hoos geeyay hal xafiis oo madaxtooyada ah.

Xildhibaan C/maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sidoo kale eedeyn kulul u jeediyay dowladda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin colaadaha gudaha, hubka sharci darrada ah iyo ka ganacsiga maandooriyaha Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa imaanaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Xamse ay wajahayaan cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed