Xildhibaano u Codeeyay Murashax Talyanle oo Mudane Baashe Maxamed Faarax u aqoonsaday Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda DAAWO
Hargaysa 18. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo u coddeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle doorashadii Guddoomiyaha aqalkaas ee 6-dii Bishan qabsoontay, ayaa shaaciyay inay u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha cusub ee golaha Baashe Maxamed Faarax.
Xildhibaan Mahdi Xuseen Caddare, Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo si wadajir ah shirjaraaid ugu qabtay magaalada Hargaysa, ayaa u soo jeediyay xisbiga Waddani in aanay olole siyaasadeed ka dhigan doorashadii guddoomiyaha wakiillada, waxaanay tilmaameen in maxkamadda sare ayiday sharciyadii doorashada.
Xildhibaan Mahdi Xuseen Caddare ayaa ku dooday in uu coddeeyay xildhibaan Tayanle isagoo ka tirsan xisbiga Kulmiye,waxaannu qiray in guddoomiyahooda sharciga ahi yahay Baash Maxamed Faarax.
“Anigoo xisbi xaakimka ka tirsan waxaan codeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle, waana la kala guulaystay maadaama oo aan u codaynay Tayanle annagoo ciddina na khasbin, waxaan leeyahay oo aan soo jeedinayaa in saacadaa laga bilaabo uu yahay guddoomiyaha golaha wakiilladu Baashe Maxamed Faarax oo aanu u aqoonsan nahay, waana in arrintani halkaa ku dhammaato.
Maxkamadda sare si sax ah ayay u garnaqday oo sharciga ayay raacday cidna may raacin, waxaannu usoo jeedinaynaa xisbiga Waddani in aanay olole ka dhigan arrintan olale siyaasadeed loogama baahna meeshu waa golihii wakiillada shacbigana in la wareeriyo maaha iyadoo doorasho innagu soo fool leedahay,”ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Xuseen Caddare.
Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud ayaa sheegay in uu aqoonsan yahay Baashe Maxamed Faarax waxaannu yidhi; “Doorashadii lagu dooranayay guddoomiyaha wakiillada, Waxaan u coddeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle, markii lagu dhawaaqay in guddoomiyaha wakiilladdu yahay Baashe Maxamed Faarax, wuu hambalyeeyay xildhibaan Tayanle.
Annagu waxaannu ugu talogalnay in Baashe aanu ridno, nasiibkiisa ayuu ka qaaday ka dibna maxkamada sare ayaan dacwad u gudbinay iyaduna waxay xukuntay in guddoomiyaha rasmiga ahi uu yahay Baashe Maxamed Faarax waxaana saacadaas laga bilaabo u aqoonsan nahay guddoomiyaha golaha Baashe,waxaana la doonayaa in muran la geliyo guddoomiyenimada golaha.”
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay“Xisbigii Kulmiye ee aan ka tirsanaa waan ka codeeyay waxaana aan u codeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle oo Baashe waan ka codeeyay,xildhibaan Tayanle wuu hambalyeeyay guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax,muranna darteed guddoomyaha golaha wakiilada waa Baashe isaga ayaannu u ictiraafsan nahay.”