|

Xildhibaano Sharci-darro ku Tilmaamay Xadhigii Laba Wariyeyaal ka Tirsan TV-ga UNIVERSAL

Xildhibaanno_Somalia_Xarig_Wariyeyaal_660Muqdisho,4Oct,2015(QJ/SDN)-Xildhibaannada kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa si adag u cambaareeyay, sharci-darrana ku tilmaamay xadhiga wariyeyaasha, kaddib wareysi ay siiyeen BBC-da.

Dowladda Somalia ayaa xalay xabsiga dhigtay Agaasimihii Universal Tv ee Bariga Afrika, C/llaahi Xersi iyo Cawil Dahir Salaad oo ah soo saaraha iyo daadiyaha barnaamijka Dood-Wadaag ee ka baxa Universal Tv.

Wariyeyaashan ayaa lagu Xidhay Barnaamij ay ka Qayb-qaateen, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Somalia iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf, kaasoo ka baxay Telefishinka Universal, waxaana labada wariye ay haatan ku xidhan yihiin Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa BBC-da u sheegay in Xadhiga Wariyeyaashan aan loo marin sida sharcigu qabo, isla markaana aanay jirin dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga wareysteen, isla markaana sii daayeen Wareysigooda.

“Waxaa doonayaa inaan caddeeyo in sabab lagu xidhay Wariyeyaashan in aanay jirin, Waayo Wariyuhu war buu ururiyaa, dabadeena sii daayaa, inagoo xildhibaanno ah ayayna wareysi naga qaadeen. Wax dambi ah oo ay galeenna ma jirto oo aan ka ahayn inay Warkeenna sii daayeen. Haddii Qofka dambi galo Waxaa lagama maarmaan ah in warqad Maxakamdeed lagu xidho, intaas ma dhicin ciidan ayaa xidhay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa xusay in sharciga Warbaahinta uu wali la yaallo Baarlamaanka Somalia, haddii sharcigaas la meel-mariyana ay wax badan meesha ka baxayaan, sida Wariyeyaasha in la iska xirto.

“Weli wuxuu sharciga baarlamaanku horyaallaa, lamana Ansixin. Waxaaan ka xumahay in iyadoo sharciga aan la ansixin in Kal-fadhiyadii Baarlamaanka la xidhay, Sharcigaas ayayna xuquuqda oo dhan ku qoran yihiin, waxaan Rajeynayaa haddii Sharcigaas soo baxo in wax badan meesha ka bixayaan,” ayuu xildhibaanku mar kale yidhi.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna Dooddii Universal Tv ka baxay ka Qayb-galay ayaa sheegay in Wariyeyaasha la xidhay aanay jirin Dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga ka wareysteen Xaaladda dalku marayo iyo sida ay wax u socdaan.

Ugu dabeyntii, Ciidamada Nabad-sugidda Qaranka ayaa xalay xidhay Universal Tv xafiiskiisa Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amniga oo ku saabsan xadhiga wariyeyaasha ka tirsan Universal Tv.

 

Comments are closed