|

Xildhibaano reer Kenya ah oo suaalo ka keenay hawlgalka ciidamadooda,dhaleeceyna u jeediyay Augustine Mahiga iyo Shariif Xasan

Nairobi Dec 09,2011(qurbejoog.com)-Labo ka mid ah xildhibaanada dalka Kenya ayaa dalbaday in la soo bandhigo shuruucda lagu hagayo hawlgalada ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Axmed Cawad iyo Ibrahim Sheekh Cali ayaa manata shaaciyay dalalbkan.

“Farogelin lagu sameeyo Soomaaliya waa in loo maraa heyadaha shaci ee dalka,Soomaaliyana hore ayay ciidamo shisheeye u faro geliyeen waxbana ma soo kordhin”ayuu yidh xildhibaan Axmed Cawad oo ah madax gudida baarlamaanka Kenya u qaabilsan warbaahinta.

 Xildhibaanada ayaa dhaleeceyn u jeediyay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

“Hadalka ka soo yeedhay Mahiga mar uu hargeysa joogay waa mid uu ku kala jarayo Soomaaliya,waana in xilka laga qaadaa”ayuu yidhi xildhibaan Ibrahim Sheekh oo ah madaxa gudida baarlamaanka Kenya ee dib u heshiisiinta.

Sidoo kale Xildhabaanadan ayaa dhaleeceeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md Shariif Xasan oo ay sheegeen in uu is hortaagay in awoodaha heyadaha dawlada lakala saaro.

M a aha markii u horeysay ee xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya ay si adag uga hadlaan siyaasada Soomaaliya oo ay dhleeceeyaan madaxda dawlada Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed