|

Xildhibaano Mooshin Xil Ka Qaadis ah Ka Gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muqdisho,13Aug,2015(QJ/SDN)-Xildhibaano dhowr ah ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud oo kalsomini kala noqsho ah.

Qoraalka Mooshinkan oo ka kooban sagaal bog, waxayna u cuskadeen eedeymo ku aadan falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya iyo awood sheekasho.

Mooshinkan oo ay saxiixeen illaa 115 Xildhibaan, waxaana sharci ahaan mooshinka ka gudbin kara Madaxweynaha 93 Xildhibaan.

Waxyaabaha Xildhibaanada ku eedeeyeen waxaa ka mid ah wax qabad la’aan, hoggaan xumo xagga amniga, ku tagrifal sharci iyo qodobo kale.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Arbacadii (12-08-2016) gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana wararku sheegayaan in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay u soo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.

mooshin1

Comments are closed