Xildhibaano Ku eedeeyay dawlada Soomaaliya in ay Dastuurka dalka Xadgudub ku tahay Xariga Suxuufiyiinta Shabeele
Muqdisho 06,2013(SDN)-Dawlada Soomaaliya ayaa weli xabsiga ku heysa maamulihii Iddaacada Shabeelle ee Muqdisho iyo weriye Maxamed Bashiir ka dib kolkii ay baahiyeen wareysi ay bixisay suxuufiyad Muqdisho uu ku kufsaday Wariye ka hawlgala warbaahinta dawlada.
Beesha Caalamka iyo ururada u dooda Xuquuqaha aadanaha ayaa hore u canbaareeyay xabsiga Gabadha la kufsaday iyo hawlwadeenada Shabeelle.
Waxa iminkana markii u horeysay arrinkan ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in xadhigani uu xadgudub ku yahay Dastuurka Dalka.
Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mida xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga mudo lagu hayo shicibka ay ka dhan tahay Dastuurka dalka.
“Muwaadina xabsiga laguma hayn karo mudo sadex maalmood ka badan maxkamad la’aan”ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Daahir Amiin Jeesow oo isna ka mid ah xildhibaanada baarlamanaka dalka ayaa ka codsaday in dawlada Soomaaliya in ay ixtiraanto dastuurka dalka,isla markaana ka codsaday beesha caalamka in ay arrinta soo faro geliso hadaan waxba is-bedelin saacadaha soo socda.
Labadan Suxuufi ayaa xabsiga ugu jiray dawlada Soomaaliya ilaa iyo bishii ina dhaaftay ee November 20keedii.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com