Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo Sheegay inuu Guul daraystay Waan Waantii Gudoomiye Saleebaan Gaal,Fadhiga Beri ee Golaha Wakiiladda,Eedaynta Xukuumadda & Dareenka Taagan DAAWO
Hargaysa 22. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland Gaar ahaan Mudanayaasha Mucaaridka ah ee u Janjeedha dhanka Xisbiga Waddani ayaa Cod dheer Caawa kaga digay hadii uu Beri furmo fadhiga Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ay ku dooranayaan Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Xili aan la isla meel dhigin ansaxnimada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Sharciyadiisa lagu Muransan yahay Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Waxay Mudanayaashani eeda Khilaafkan Dusha ka Saareen Gudoomiyaha Sharciyadiisa lagu Muransan yahay ee Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirka Madaxtooyadda oo ay sheegeen inuu yahay shakhsiga dabada ka riixaya Khilaafkan.