|

Xildhibaano ka Tirsan Golaha Guurtida oo Qayrul Dastuuri ku Tilmaanay In Golaha Wakiiladdu ku Keliyeysto Go’aan ka Gaadhista Heshiiska DPW

Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland qaarkood, ayaa dood Sharciya ka keenay Sababta Xukuumaddu Golaha Wakiillada oo keliya ugu gudbisay Heshiiska Shirkadda DP World ee la xidhiidha Maalgelinta Dekedda Berbera.

 

guurtiXildhibaannada oo Shalay la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inay Dastuur jabin tahay in Golaha Wakiillada oo keliya loo gudbiyo Heshiiska Dekedda Berbera, maaddaama bay yidhaadeen Dastuurku sheegayo in Labada Gole Baarlamaan si wada hir ah u ansixiyaan Heshiisyada Noocaas ah.

 

“Waa Dastuur Jabin Haddaan Heshiiska DP World la hor-keenin Guurtida, mana Hirgelayo, Waayo? Dastuurku wuxuu leeyahay Labada Gole Baarlamaan waxay wada leeyihiin fadhiyada Guud, Heshiis Gobolleedyada iyo Heshiiska Maalgeshiyada Caalamiga ah, markaa qasab bay ku tahay Xukuumadda inay Heshiiska soo mariyaan Guurtida, haddii kale ma hirgelayo.”ayuu yidhi, Xildhibaan Axmed Obsiiye (Axmed-gacan) oo ka mid ah Golaha Guurtida oo Shalay la hadlay Saxaafadda.

 

Xildhibaanno kale oo ka mid ah Guurtida Somaliland, ayaa iyaguna ku dooday inay khalad tahay in Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Carbeed ee DP World, maaddaama buu yidhi Dastuurku dhigayo in laba Gole si wada jir ah u ansixiyaan Heshiisyada Caalamiga ah.

 

“Xukuumaddu Dastuurka ayay Jabisay, Madaxweynaha ayaana ka masuul ah Dalka, Golaha Wakiilladuna Dastuurka ayay jabiyeen ayay Sidaa ku wadaan Heshiiska DP World.” Ayuu yidhi, Xildhibaan ka mid ah Guurtidu, waxaanu intaa ku daray, “Heshiiskani waa Heshiis Caalamiya oo Dekedeed, Arrimaha hoose ee Dhaqaaluhu ka mid yahay waxa ku shaqo leh Golaha Wakiillada, laakiin Mabda’ ahaan Cidda ansixinaysaa waa Labada Gole oo si wada jir ah uga dooda, Golaha Wakiilladu marka la ansixiyo ka dib ayay leeyihiin faahfaahintiisa iyo wixii kale ee farsamo ah.”

Xildhibaannadan, ayaa dooddaada u cuskaday Qodobka 38-aad, Farqadda 6-aad ee Dastuurka Somaliland, kaasi oo u dhigan sidan:-

Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin:-

B: Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole.

Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland Urur ama huwan Gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad Gobolleed ama Caalami.”

Comments are closed