Xildhibaano Hore oo Dawlada Federaalka Kaga Maxaafsada Magaca Somaliland inay Matalaan oo Dib loo soo Doortay DHAGAYSO
Muqdisho 13. December 2016 (SDN/QJ):- Afar xildhibaan ayaa lagu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada, kuwaasi oo ka mida kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee beelaha Waqooyi.
Afarta xildhibaan ee la doortay ayaa dhamaantood ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka waqtiga ka dhamaaday, oo ku guuleystay in dib loo soo doorto.
Afarta xildhibaan ee la doortay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen Xildhibaano hore.
Illaa iminka waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay 19 xildhibaan oo ka mid ah kuraasta 46-ka ah ee la qoondeeyey in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada muqdisho.