Xildhibaano Hore Iyo Murashixiin Lagaga Guulaystay Doorashooyinkii Maamul Goboleedyada Somalia oo Sheegay inay Maxkamada Caalamiga ah Dacwad kaga Furi doonaan Gudida Doorashada Dadban
Muqdisho 21. December 2016 (SDN/QJ):- Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaano hore iyo musharixiin looga guuleystay doorashadii dhawaan ku soo dhamaatay gobolada dalka, ayaa siweyn uga soo horjeestay habkii loo maamulay doorashada.
Xildhibaanada iyo musharixiinta shirka yeeshay ayaa sheegay in guddiyadda doorashooyinka oo idil ay ku kaceen wax ceeb ah howlahii loo idmadayna ay lacag laaluush ah ku iibsadeen, sida ay sheegeen. Gaar ahaan waxaa ay sheegeen in ay gudbinayaan dacwad ka dhan ah guddiga xalinta Khilaafaadka taas oo ay la tiigsan doonaan maxkamadda dambiyadda adduunka iyo tan gudaha. “ Doorasho ma aysan dhicin waxa dhacayna waxay ahaayeen wax qaldan oo la soo dhoodhoobay , islamarkaasna lagu banaystay xuquuqdii shacabku lahaayeen “.ayuu yiri xildhibaan Max’ed Max’uud kulalihi
Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo horay uga mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, laakiin looga guuleystay doorashadii ka dhacday Puntland, ayaa sheegay in dalka aysan ka dhicin wax doorasho lagu tilmaami karo, isaga oo intaa ku daray in arintan aan marnaba laga aamusi Karin. Ugu danbeyntii, guddiga doorashooyinka iyo kan xalinta khilaafaadka ayaa eedahan wax war ah ka soo saarin waxaana marka laga soo tago xildhibaannadan jirtay cabshooyin lamid ah ay ka imaanayeen shaqsiyaad tartamay oo sheegayay in musuq maasuqay iyo wax is daba marin lagu sameeyay.