|

Xildhibaano Guurtida Ah Oo Ku Baaqay In Albaabada Loo Laabo Baanka Dhexe Iyo Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Gubtay Eedaha Baanka Loo Soo Jeediyey

Hargaysa 19.April 2016 (SDN/QJ): – Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Baanka Dhexe ee Somaliland ku fashilmay in uu ahaado sidii looga baahnaa baan dalkani yeesho iyaga oo masuuliyiinta Baanka ugu baaqay in ay xilka isaga tagaan xukuumadduna wax ka qabato arrinka Baanka ama albaabada u laabto.

sdfgfggIyada oo ay xildhibaanadaasi dhaliilayaan ayaa waxa si weyn u difaacay baanka Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo dooddii xildhibaanada ku duray in ay tahay mid shakhsi ah iyo dano gaar ah.

Kal-fadhigii maalmahanba u socday Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigiisii shalay xildhibaano door ahi waxa ay ka hadleen xaaladda dhaqaalaha iyaga oo dood ka dhiibtay waxaana ay si ba’an u dhaliileen waxqabadka Baanka Dhexe ee Somaliland oo ay sheegeen in uu ku fashilmay in uu haba yaraatee wax ka qabto xaaladda dhaqaale ee dalka iyo waliba iyaga oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo shaqada Baanka dawladda Somaliland oo ay ku tilmaameen mid fadhiid ah oo intii Somaliland jirtay aan korin lana soo gaadhay wakhtigii ama la tayayn lahaa ama albaabada loo laabi lahaa.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida oo arrinta baanka ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Ma aha in uu magac uun baan ku ahaado. Meel waa la dhisi karaa oo Baan baa loo bixin karaa balse waxa loo baahan yahay in uu Baan ku noqdo adeeggii uu umaddan iyo dalkan u qaban lahaa. Intaa maanta xilkiisa haysa ee Baanka masuuliyadda u haysa waxa la gudboon in ay meesha isaga tagaan amma baanka macno u yeelaan oo uu noqdo sidii baan u shaqaynayay iyo wixii uu umadda u qabanayay. Dhibaatada jirtaa waxa weeyi haddii uu maanta bangigu yidhaa sicir bararka ayaan la dagaalamayaa oo uu lacago ka soo qaato baananka Dahabshiil, Salaam iyo Oomaar miyuu waxba qaban karaa illayn wuu habranayaaye oo shirkadahaasi ayuu u habranayaaye. Ma go’aan qaadasho ayuu yeelanayaa. Walaa maciishad qaaliyowday iyo sicidr barar ayaanu waxba ka qaban karayn. Waxaannu leenahay hawshii uu baanku qaranka u hayay wuu ku fashilmay”.

kahaXildhibaan kale oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida oo arrinkaasi aragtidiisa ka dhiibtay waxa uu yidhi: “Maanta sarrifkii doollarku qiimihiisii halkii uu taagnaa uunbuu taagan yahay. Waxa la yidhi Lix Kun oo shil baa lagu salaynayaa Halkii Doollar mantana waad arkaysaan halka uu taagan yahay. Wax alla wax is badalay ma jiro. Nasiib darro ayaa umaddan haysata oo baankii dhaqaalahooda kobcin lahaa iska daaye wax alla wax uu u qabtaa ma jirto”

Saleebaan Gaal Iyo GuurtidaGuddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii doodda baanku kululaatay waxa uu qaatay makarafoonka isaga oo gaashaanka u daruuray xildhibaanadii dhaliilaha u soo jeedinayay Baanka Somaliland waxaanu yidhi: “Waar Shaqaalaha Baanku waa shaqaale, waar ninkii si gaar ah hawl shakhsi ah uga hadlayow ka daa meesha hadalkaasi oo ka aamus” isaga oo Guddoomiyuhu dooddaasi ka joojiyey xildhibaanada.

Comments are closed