|

Xildhibaanno u istaagay Dhexdhexaadinta iyo Xallinta khilaafka ka Dhex Aloosan Puntland iyo Somaliya

 

XILDHIGarowe:Aug -10- 2013 – (SDN)Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya  oo dhawaan gaaradhay deegaanada maamulka Puntland, ayaa sheegay inay u istaageen sidii ay ku xallin lahaayeen khilaafka ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowalda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Puntland, oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay doonayaan inay xal ka keenaan qaladaadka ka jira dastuurka oo maamulka Puntland uu ka cabanayo.

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale  sheegay in qodobbada qaar ee maamulka Puntland uu ka cabanayo ee ku jira dastuurka ay yihiin kuwa aan laga hadli karin , waxaana kamid ah qaranimada ummada Soomaaliyeed iyo jiritaanka dowlada.

 

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa sheegay in waxyaabaha ay u tageen deegaanada Puntland inay kamid yihiin dhameynta carqaladaha ka dhex taagan maamulka Puntland iyo dowlada Soomaaliya oo dhawaanahanba Fiintu dhex miranaysay.

Khilaafka ka dhex aloosan Puntland iyo Dawladda Federalka ah, ayaa ah mid meel xun gaadhay, waxana ay Puntland tilmaantay inay guud ahaanba u jartay xidhiidhkii wada-shaqayneed ee Ay La lahayd Dawladda Federalka Somaliya, taas oo Caqabad ku ah hab-sami-u-socodka maamulka Xasan Sheekh  Maxamuud.

 

Somalidiasporanews.com

Garowe/punland.

Comments are closed