Xildhibaanno Si Weyn Uga Soo Hortjeestay Tallaabada ay Dawladda Federalku Ku Hor Istaagtay Shirkii Baydhabo
Muqdisho:Feb-03-2014 (SDN)-Maalintii shalay waxa Magaalada Muqdishoe ee Caasimadda Somalia Lagu Qabtay Kulan Ballaadhan oo Lagaga Faalloonayey Sababta Dawladdu u carqaladaysay Shirkii Baydhabo, waxana Ka Qaybgalay Xildhibaano, Odayaal iyo Dad Kale oo aad U Tiro Badan.
Kulanka oo ay joogeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda lixda gobal ee Doonayey inay Maamul Samaystaan Balse loo Diiddan yahay, ayaa dhaliilay dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in ay carqaladeyneyso shirkaas.
Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta waxaa ka mid ahaa Xildhibaannada kala ah Sheekh Aadan Madoobe iyo Xuseen Maxamed Muuse Baantuu oo ku Dheeraaday sida ay uga xun yihiin inay Dawladdu faraha la Gasho arrimo Noocaas oo kale ah.
Waxa ay labadooda sheegeen in dowladda ay ku qaldan tahay in arbushaad ku sameeyso shirka ka socdo Baydhabo, waxaana ay cambaareeyeen falkii dhawaan ay is hor taageen ciidamada AMISOM odayaasha ku shirsan xarunta ADC-da ee Baydhabo.
Xuseen Baantuu ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca shacabka ku dhaqan Jubbooyinka inay taageersan yihiin shirka maamul u sameynta lixd gobalka, wuxuu caddeeyay in maamulka KMG ah Jubba in uu yahay maamul gacan ku sameys ah oo aan dadka u wada dhameyn.
Sidoo kale Xildhibaan Aadan Madoobe oo horre u soo noqday guddoomiyaha golaha baarlamaanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay nidaamka fedaraalka siddaas darteed haddii lixda gobal dadka ku dhaqan ay diyaar u yihiin in sameystaan maamul in loo daayo oo aan laga fargalin.
“Shirka Baydhabo waxaa car qaladeebata dowladda Soomaaliya oo la rabay in ay taageerto maadamma uu hadda socdo hal sanno iyo maalmo sidda ay noo sheegeen howlwadeenada shirka.” Ayuu Yidhi Aadan Madoobe.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay siyaarsiiyin iyo haween kuwaasoo sheegay in taageersan yihiin shirka maamul u sameynta lixd gobal ee Koonfur Galbeed.
Wali waxa sii Kordhaya Cambaaraynta iyo Dhaliilaha loo Jeedinayo Tallaabadii Xukuumaddu ku Joojisay Shirkii Baydhabo, waxana Laga Yaabaa inay Dhawaan Soo Kordhaan Hadallo kale oo Dawladda Lagaga Soo Horjeedaa.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com